Afartan Qof Oo Ku Dhimatay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dalka Senegal
Illaa afartan qof ayaa
dhintay halka ay dhaawacmeen illaa 85 qof oo kale ka dib shil gaadhi oo ka
dhacay gobolka Kaffrine ee dalka Senegal. Shilkan gaadhi ayaa ka dhashay ka dib
markii ay xilli habeenimo ah isku dhaceen laba bas oo waaweyn.
Sawirro laga soo qaaday
dhacdadan ayaa muujinayay bas cad oo weyn oo kuraastiisa uu dhiig ka buuxo,
iyada oo qaybta hore ee baskuna ay gebi ahaan burburtay.
Shilalka gaadiidka ayaa
aad ugu badan dalka Senegal, waxaana sabab u ah khaladaadka darawallada,
waddooyinka oo xun iyo gaadiidka qaarkood oo duug ah, sida ay khubaradu
sheegayso. Masiibadan ugu dambaysay ayaa sababtay mid ka mida dhimashadii ugu
badnayd ee waayadan ka dhalata shilalka gaadiidka ee dalkaas.
War qoraal ah oo ay
dawladda Senegal soo saartay ayay ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq
qaran ah oo ka bilaabmaysa maalinta Isniinta, waxaana hoos loo dhigay calamada
dalka oo dhan.
Madaxweynaha Senegal
Macky Sall ayaa qorsheeyey safar uu ku tegeyo goobta shilku ka dhacay oo u dhow
tuulada lagu magcaabo Sikilo.
Dacwad oogaha guud
Cheikh Dieng ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku sheegay in baadhitaanadii ugu
horreeyey inay muujiyeen in mid ka mida basaska ay raacaan dadweynuhu in taayir
u qarxay, ka dibna uu baskaasi ka leexday wadadii uu ku socday, sidaasna uu shilka
ku galay.
Bayaanka uu soo saaray
dacwad ooguhu ayaa dhacday 03:30 habeenimo wakhtiga dalkaas.
VOA