Somaliland Ma Cadaw Ayaa Ku Soo Duulay Mise Xasuuq Ayey Ka Gaysatay Laascaanood?

0
Monday January 09, 2023 - 08:13:13 in News by Abdi Good
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Ma Cadaw Ayaa Ku Soo Duulay Mise Xasuuq Ayey Ka Gaysatay Laascaanood?

    Somaliland Ma Cadaw Ayaa Ku Soo Duulay Mise Xasuuq Ayey Ka Gaysatay Laascaanood?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Ma Cadaw Ayaa Ku Soo Duulay Mise Xasuuq Ayey Ka Gaysatay Laascaanood?

Boqor Buurmadow, oo la waydiiyey in Somaliland Cadow iyo dawladdo shisheeye isu soo bahaysteen iyo inuu Somaliland la jiro oo difaacayo ayaa ku jawaabay;


"Adeer Somaliland Cadow iyo waxaa aad sheegayso waxba kama jiraan, waxa aannu ognahay ee ka hadlaynaa waa in Shacabkii Laascaanood la Xasuuqay oo la geliyey laba guuto labadaa guuto oo ay kala wateen laba nin oo reer Hargeysa ah oo la kala yidhaahdo Ahmed Aakhiro iyo Indho yare.

Waxa aannu ka hadlaynaa waa in suuqyada iyo Masaajidada lagu laayey shacab aan hubaysnayn oo waxba galabsan. Waxaanu ka hadlaynaa waa in la laayey Culimadii, Aqoonyahankii, Haweenkii iyo Caruurtii reer Laascaanood.

Waxaan ka hadlaynaa in raggii labada guuto watay ee Muuse Biixi oo toos u laayey 21 qof, halkii laga soo qaban lahaa in Muuse doonayo inuu iska hor keeno Habarjeclo iyo dhulbahante oo ninkii u dambeeyey ee dhashiikaha lagu dhuftay loo soo qabtay laba nin oo Sulomadow ah oo aan waxba ridin; taasoo uu uga jeedo inuu isku dhufto dadka Ood wadaagta ah."




Loading...
Loading...