Haddii aad dareemayso murugo fariimahan adigaa iska leh

0
Sunday January 08, 2023 - 10:17:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii aad dareemayso murugo fariimahan adigaa iska leh

    Ka farxi qof murugaysan, oo la wadaag asxaabtaada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka farxi qof murugaysan, oo la wadaag asxaabtaada.


1. Murugadu waxay la socotaa koritaankaaga iyo wakhtiga. Ha u arkin innaad tahay qof ka duwan dadka kale, waa hubaal qof kastaa wuu la kulmaa xaaladan oo kale. Waxa kugu socda imtixaan, ee haku dhicin imtixaanka samirka.


2. Maskaxdaada ku ilaali waxyaabaha kuu hagaagsan sida caafimaadka, farxada waalidkaaga amaba se walaalahaa. Marnaba ha iloobin waxyaabaha kuu hagaagsan, ee hareerahaaga ka jira.



3. Ha iloobin innay dhamaan doonto murugada iyo maalinta adagi, waayo waxa iman doonta maalin qiimo badan. Mugdiga habeenkii waxa buriya iftiinka quruxda badan ee subaxda. Si kasta oo uu u dheeraado habeenkuna waxa la gaadhi doona subaxda.


4. Alle isku xidh, oo talo saaro. Cida kaliya ee murugada kaa caawin kartaa waa illaahay, alle bari adiguna ficilka iyo dhaqaaqa la imo.


5. Ha is dhiibin, waayo waxa soo socota maalinta farxadaada. Niyadana khayr u sheeg mar kasta.

Ugu dambayn,


waxaan kuu rajaynayaa maalmo badan, oo farxad badan insha allah


Ka farxi qof murugaysan, oo la wadaag asxaabtaada.


Mohamed Faisal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...