Shan Arrimood Oo Ku Gadaaman Heshiiska Nabadeed Ee Ay Galeen Ethiopia Iyo TPLF
Bishii November ee
sanadkii tagay ee 2022-ka Dowladda Itoobiya iyo Xoogagga dagaalka kula jiray ee
TPLF magaalada Pritoria ee dalka Koonfur Afrika waxay ku kala saxeexdeen
heshiis nabadeed oo lgu soo afjaray dagaalka labada sano socday.
Heshiiska oo meel
markiisa meel fiican uu haatan marayo haddana waxaa jira arrimo haddii aan laga
heshiisn ay dhici karto iney caqabad ku noqdaan heshiiskaasi.
Arrimaha ku gadaaman
heshiiskaasi inuu si buuxda u dhaqan galo waxaa ka mid ah:
1. Ciidamada Eritrea
iney ka baxaan Gobolka Tigray
Tan iyo marki uu
billowday dagaalka u dhaxeeya dowladda dhexe ee Itoobiya iyo ciidamada TPLF
waxaa dagaalka qayb ka ahaa Ciidamada Eritrea oo la rumeysan yahay dagaalka
iney si weyn uga qayb qaateen.
Ciidamada Eritrea oo
gudaha u soo galay deegaanka Tigraay hay'adaha xuquuqal insaanka Amnesty waxay
marar badan ku eedeysay "iney geysteen gabood fallo ka dhan ah bani
aadanimada oo isugu jira dil, boob iyo dhac."
Dagaalki socday marki
heshiis laga gaaray kaddibna TPLF waxay sheegtay qayba ka mid ah gobolka
Tigraay iney weli ku sugan yihiin ciidamada Eritrea.
Taliska ciidanka TPLF
wuxuu sheegay "ilaa ay ciidamada Eritrea ka baxaan gabi ahaanba gobolka
Tigraay iney hubka dhigi doonin maadaamaa ay marweliba khatar uga iman karto
dhanka ciidamada Eritrea."
Wararka ka imanaya
gobolka Tigraayna waxay sheegayaan laga billaabo 22-ka Decebmber 2022-ka iney
ciidamada Eritrea ee ku sugnaa magaalooyinka Axum iyo Shir-Indesillaase ay
billaabeen iney magaalooyinkaasi ka baxaan.
2. Liiska argagixisada
oo TPLF laga saaro
6-dii bishii May 2021
qaraar ka soo baxay Baarlamaanka dalka Itoobiya liiska argagixisada waxaa lagu
daray Fallagada TPLF.
Welina qaraarki
baarlamaanka uu horay u soo saaray kama noqon oo toddobaadyada soo socda waxaa
la filayaa inuu baarlamaanka uu go'aankiisa hore uu ka noqday liiska
argagagixisadana uu ka saaro TPLF maadaamaa dagaalkii heshiis laga gaaray.
3. Saraakiisha TPLF ee
dowladda dhexe u xiran oo la sii daayo
Heshiiska nabadeed ee
lagu gaaray magaalada Pritoria, ee dalka Koonfur Afrika qodobbada lagu xusay
waxaa ka mid aha in la sii daayo macabiista siyaasadeed oo weli gacanta
dowladda dhexe ku jira oo ay ugu horreeyaan saraakiisha ciidamada iyo
dagaallamayaasha TPLF.
Dowladda dhexe ee
Itoobiyana waxay horay xabsiyada uga sii deysay xubno sarsare oo ka mid ah
hoggaanka TPLF oo ay ka mid yihiin Sibhaat Neggaa oo ka mid ah raggi aasaasay
TPLF iyo madaxweynihi hore ee gobolka Tigreega Abay Waldu.
Weli waxaa xabsiyada
dowladda dhexe ku jira macabiis adan oo laga qabtay TPLF oo isugu jiro
saraakiil ciidan, wasiirro hore iyo shaqsiyaad qowmiyaddaas ka soo jeeda oo
xilal kala duwan dalka Itoobiya ka soo qabtay.
4. Awood qaybsiga dowladda
Federaalka
Dhinacyadi muddo laba
sana ah ku dagaallamayey Waqooyiga Itoobiya haddii ay dagaalki heshiis nabadeed
ka gaareen waxyaabaha heshiiska lagu xusay waxaa ka mid ah in TPLF laga qayb
gelinayo awood qaybsiga dowladda dhexe.
Inkasta oo awood qaybsiga
uu ka horreeyo wajiyada heshiiska oo meel mara iyo TPLF oo nbaarlamaanka uu ka
saaro liiska aragagixisada.
TPLF dowladda dhexe
inta ay dagaalka la gelin ka hor waxay dowladda dhexe ka hayeen xilall ay ka
mid yihiin Raysal wasaara ku xigeen, Arrimaha dibadda iyo wasaarado kale oo
muhiim ah iyaga oo waaxyaha wasaaradda Gaashaandhigga ay ku leedahayna si weyn
uga dhex muuqday.
5. Hantida ay dowladda
la wareegtay oo la celiyo
Dagaalka Gobolka
Tigreey marki uu qarxay 3-dii November 2020 wixii ka dambeeyey dowladda dhexe
ee Itoobiya waxay qaadday tallaabba kasta oo ay ku curyaamineyso xubnaha iyo
taageerayaasha TPLF.
Tallaabbooyinkaasina
waxaa ka mid ahaa hantida madaxda iyo saraakiisha TPLF ay ku leeyihiin
caasimadda Addis Ababa iyo Gobollada kale ee dalka ay ku lahaayeen iney
dowladda la wareegtay.
Dadka hantida lagala
wareegay waxaa lagu eedeeyey iney musuqmaasuq hantida ka sameeyeen halka qaarna
lagu eedeeyey iney TPLF ay taageerayaan amaba ay ka tirsan yihiin.
Qodobbada Shanta ah ee
aan kor ku soo sheegnay waxay ka mid yihiin arrimaha ku gadaaman meel marka
heshiiska nabadeed ee ay labada dhinac ku gaareen dalka Koonfur Afrika.
Haddii ay arrimahan wax
ka soo noqdaan waxay noqonayaan caqabad ku timid heshiiska nabadeed, balse
haddii ay meel maraan waxay dardargelinayaan heshiiska nabadeed ee laga gaaray
dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socday muddo laba sana ah oo ay kumannaan ku
dhinteen malaayiinna ku barakaceen.
BBC