Millateriga Somaliland Oo Ku Hanjabay In Uu Xoog Amniga Ku Sugi Doono Laascaanood.
Laascaanood (HWN) Ciidanka
Millateriga Somaliland, ayaa sheegay in aanu ciidanku gobolka ka bixi doonin,
hadii amni daro danbe dhacdana uu xoog nabada ku sugi doono.
Taliyaha Ciidamada
Millateriga ee Gobolka Sool Sareeye Guuto Mahad Cambaashe, ayaa digniin u diray
dad uu sheegay in ay rabaan in ay magaalada Laascaanood qas galiyaan, isagoo
xusay in ciidanku aanu bixi doonin.
Waxaanu
yidhi."Karin walba waxa kasoo dhacay nin leh, Laascaanood waa la qabsaday
oo dhaxalkii aabaha ayaa lagu qaybsanayaaye ina gaadhsiiya, kuwa in aanu duno
raba, iyo kuwa dhismahayaga iyo magaaladayada ka xun, intaba waxan leeyahay,
ciidankii qaranku ma bixin, xata bixi maayo".
Waxa uu sheegay in
Laascaanood uu Ciidanka Somaliland ka taliyo, isla markaana xiligii ay
Somaliland timid gobolka ay nabadgalyadiisu aad u xumayd, oo la is wada
dilayay.
Waxaanu
yidhi."Laascaanood anaga ayaa joogna waa u talinay, waxaanu ugu
talinaynana nin waliba waa arkaa, 2007 markii aanu soo galnay ee nidaamka
Somaliland ee barakaysani noo yimid Dhulbahante ma wada-hadlayn, xabada iyo
maydkuna waa nagu badnaa, reer waliba reer hebel ayuu ku duuli jiray"
Taliyuhu waxa uu
sheegay in Laascaanood aa aanay jirin cid kusoo duushay, isla markaana, uu
isagu xukumo oo uu ciidanka ka saaray, haddii amni darada la joojin waayona uu
ciidanka magaalada kusoo celin doono nabadana xoog kusoo celin doono.
Waxa uu sheegay in uu
ka xunyahay dhibaatadii ka dhalatay rabshadihii Laascaanood, isaga oo sheegay
in ciidanku ku dadaalay oo aanay shacabka laynin, oo hadii uu ciidan kale ahaan
lahaa ay boqollaal dhiman lahaayeen.