Baarlamaanka Somaliya Oo Kooram La'aan Ufurmi Waayay & Fariin Loo Diray Xildhibaanada

0
Saturday January 07, 2023 - 17:50:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Somaliya Oo Kooram La'aan Ufurmi Waayay & Fariin Loo Diray Xildhibaanada

    "qofkii diida ama iska maqnaada isagoo aan xanuunsaneyn…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"qofkii diida ama iska maqnaada isagoo aan xanuunsaneyn…"



 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe) ayaa ka codsaday xildhibaanada baarlamaanka inay gutaan waajibaadkooda shaqo isla markaana ay soo xaadiraan kalfadhiyada looga arrinsanayo ansixinta xeerarka kala duwan.

 

Wuxuu sheegay in lala xisaabtami doono xildhibaanada ka maqnaada kalfadhiyada.

 

"Xildhibaanada waxaan ka codsaneynaa inay shaqadooda gutaan oo ay imaadaan si ay gutaan waajibaadkii loo soo doortay , qofkii diida ama iska maqnaada isagoo aan xanuunsaneyn ama fasax ku maqneyn waxaa ku khasbanahay in aan u hoggaansanno xeer hoosaadka”.

 

Arrintan ayaa ka dambeysay xilli maanta uu baaqday kalfadhi ay lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka kadib markii ay soo xaadiri waayeen tiradii uu ku furmi lahaa.


Loading...
Loading...