Wasiir Maxamed Kaahin Oo Gudaha Sool Ku Sugan Iyo Nuxurka Kulan Uu Abaabulay Oo La Dhacay Laascaanood

0
Saturday January 07, 2023 - 17:19:40 in News by Abdi Good
  • Visits: 2400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Gudaha Sool Ku Sugan Iyo Nuxurka Kulan Uu Abaabulay Oo La Dhacay Laascaanood

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Gudaha Sool Ku Sugan Iyo Nuxurka Kulan Uu Abaabulay Oo La Dhacay Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Gudaha Sool Ku Sugan Iyo Nuxurka Kulan Uu Abaabulay Oo La Dhacay Laascaanood
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, Wuxuu Shir gudoomiyey kulan Ballaadhan oo lagu xoojinayo Amniga guud ee Magaalada Laascaanood, kaasoo ka qabsoomay Xafiiska Gobolka Sool.

Kulankan waxaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ku wehelinayey Wasiir Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi, Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), Badhasaabka Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, Maayorka Degmada Laascood, Xildhibaan Axmed Cali Casoowe, Masuuliyiin kale oo Xukuumadda ka tirsan iyo Taliyayaasha Ciidanka ee Gobolka Sool.


Guud ahaan Magaalada Laascaanood ayaa ah mid Nabadgelyo ah oo degan iyadoo amniga ay sugayaan Ciidamada Nabadgelyada, Weftiga uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa toos u bilaabay hawlihii shaqo ee ay u tageen Magaalada Laascaanood.

May be an image of 10 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 3 people, people sitting, wrist watch and indoor
May be an image of 4 people, people sitting and indoor
May be an image of 4 people, people sitting and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and indoor
May be an image of 10 people, people standing and indoor
May be an image of 4 people, people sitting and indoor
May be an image of 5 people, people sitting and indoor

Loading...
Loading...