Wasiirka Deegaanka Somaliland Waxaanu Leenahay ,Wasiir 30-kii Hareemo-cad Ee Maxkamadu Amaanada Kuugu Dhiibtay Halaguugu Yimaado.

0
Monday June 17, 2019 - 14:53:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Deegaanka Somaliland Waxaanu Leenahay ,Wasiir 30-kii Hareemo-cad Ee Maxkamadu Amaanada Kuugu Dhiibtay Halaguugu Yimaado.

    Warsaxafadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxafadeed.

Kormeer lagu dhiirigalinaayo ilaalinta Duur-joogta Somaliland ayaa dhawaan ka sameeyay Qaar ka mid ah Deegaamadda Somaliland ,Sidaa awgeed Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo Shaqaalaheedu ,Ololayaashii La Dagaalanka Ganacsiga Duur-joogta ee ay Dalka ka samaysay Sanad iyo Badhkii Ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ,Taageero weyn ayay Shicibka deegaamadaasi ka Kasbatay ama ka Heshay.



Waxaana talaabadaasi Mudnaanteeda iska leh Madaxweynaha Somaliland MD: Muuse Biixi Cabdi ,oo isku noqday Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland soo mara ,ee Mam-nuuca Ganacsiga Duur-joogta ,qaybaheeda kala duwan ,Sida Shinbiraha ,Xamaaratada iyo Qooblayda.


Intaasi ka dib waxa mudooyinkii u danbeeyay soo baxaayay oo weliba Qaar ka mid ah Saxaafadu baahinaysay Warar Naxdin leh oo sheegaaya in Wasaaradda Deegaanka Somaliland iibinayso 8-Xabo oo ka mid ah 30-kii Hareemo-cad ee Maxkamada Somaliland ku Wareejisay Wasaaradda Deegaanka  ee Hargeysa ,ka dib markii ay Maxkamadu Xukun ku Riday Ragii Ciidanku soo qab-qabteen ee ka Ganacsanaayay Xayawaankan Dalkana ka dhoofinaayay ,kuwaasi oo ahaa Tuug Khaayin Wadaniin ah oo Dalka iyo Deegaanka laga Qabtay.


Hadaba waxaanu leenahay Wasiirka Deegaanka Somaliland ,Wasiir Shugriyay 30-Hareemo-cad ee Maxkamadda Somaliland kuu dhiibtay ee Ciidanku soo Qabteen  (Waa Amaano ee Halaguugu Yimaado ) Somaliland oo dhamina 30-kaa Ayay eeganaysaaye La Soco  ,Waana Hanti Qaran "Oo Naflay Ah”.

Waayo?  Duur-joogtii dalkani lahaa hore ayay Carabi u Gurteen ,Hareemo-Cadna 30-kaa Hargeysa jooga ayaa La Hubaa .


Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo Taliyayaasha Guud ee Ciidanka Booliska-na  ,waxaanu leenahay waar La Socda Dhaq-dhaqaaqa Hareemo-cadyadda Hargeysa lagu xanaaneeyo ,Gacmo Shisheeye ayaa ku jira ,waananu idiinka Mahad-naqaynaa Talaabooyinkii aad ka qaadeen Ragii Duur-joogteena  Xaalufiyay.


Madaxweynaha Somaliland waxaanu leenahay ,Madaxweyne Waanu kugu garab-taaganahay Go’aankii Wadaniyada lahaa ee aad Dalka kaga Mam-nuucday Carabtii Ugaadhsatada ahayd iyo Tuug-tii u shaqayn jirtay ,Taariikhdaasina adaa ku Suntan ,marka la eego Madaxweynayaashii kaa horeeyay oo iyagu Ku Suntanaa Ganacsiga Duur-joogta iyo IWM..


Imikana waxaanu ku leenahay Madaxweyne Hareemo-cadyada Hargeysa lagu Xanaaneeyo ,Deegaankoodii Hooyo ayay joogaan ,Daryeelkoodiina Way Haystaan ,Waanay Wacanyihiin ,ka war hay ,Yaan dalka laga saarin ,si qaldana loo Tur-jumin .


Warsaxafadeed Gudoomiyaha Ururka ilaalinta Duur-joogta (SAPO).

By Mahad Faarax Cabdilaahi.

Berbera Somaliland.

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...