"Muuse Biixi Masiirka Ummaddan Wuxu Gaadhsiiyay Meel Aad U Liidata" Xisbiga Waddani

0
Saturday January 07, 2023 - 11:49:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Masiirka Ummaddan Wuxu Gaadhsiiyay Meel Aad U Liidata" Xisbiga Waddani

    "Laas-caanood xoog uma baahna waxay u baahanayd xal,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Laas-caanood xoog uma baahna waxay u baahanayd xal,"



Hargaysa (HWN) Xoghayaha Arrimaha Bulshada xisbiga WADDANI  Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa sheegay in haddii Baarlamaan qiyam lihi dalka kajiri lahaa in Muuse Biixi maamuus kaxayuubin lagu samayn lahaa.



Xoghayaha oo qoraal uu baahiyay kaga hadlay dilalka lagu eedeeyay in xukuumada Muuse Biixi ka gaysatay Laascaanood ayaa intaasi ku daray in Laascaanood aanay xoog ubaahnayn ee ay xal ubaahantahay:-


"32 kaddib, Kornaylada waxba uma kordhin, Muuse Biixi Masiirka ummaddan wuxu gaadhsiiyay meel aad u liidata, Haddi Gole Baarlmaan oo qiyam lihii jiri lahaa Maamuus ka xayuubin ayuu mudan lahaa. xaqadarray ahayd in Muwaadiniin aan hubaysnayn lagu toogtay Xabbadii ay bixiyeen Cashuurta lagu soo iibiyay, Laas-caanood xoog uma baahna waxay u baahanayd xal, reer Laas-caanood waxay xaq u leeyihiin Nolosha iyo Nabada Hargeysa taal !


Xaalada Laascaanood ayay dadka qaarkii ku eedaynayaan inay Ka dhalatay masuuliyad xumo ka timid xukuumada uu hogamiyo Muuse Biixi oo muddo kordhin kursiga ku fadhiya.

Loading...
Loading...