Magdhaw Iyo Raalli-galin Muddo Dhaaftey!

0
Saturday January 07, 2023 - 10:44:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Magdhaw Iyo Raalli-galin Muddo Dhaaftey!

    Waa nasiib darro'e, dhagartaas weyneyd, ee dadnimadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa nasiib darro'e, dhagartaas weyneyd, ee dadnimadu

Carabtu, qarniyaal badan ayay ganacsiga addoonsiga ay dhulkeennan ka waddey, oo dadkeenna ay qasab ku qaxootiyeyn jirtey, oo dadkeenna ay xoog ku qafaalan jirtey.


Waa nasiib darro’e, dhagartaas weyneyd, ee dadnimadu ka arradneyd, ee bahalnimada ahayd, ee dadkeennii lagula kacey, ayaynaan ilaa maantadan ka hadlin, oo ilaa haddeertan aynaan wax iska weyddiinnin, oo ilaa haatan aynaan wax magdhaw ah iyo wax raalli-galin ah, aynaan midkoodna ka haynin.



Dalalkaas Khaliijku, hor-u-markaas waxa ay ku gaadheen, ee ay ku taajireeni, waa xooggii iyo maskaxdii dadkeennii ay dhoofsadeen, ee ay addoonsan jireen, ee ay ku shaqeysan jireen, ee ay ku adeegan jireen; ee ay ku xammaalan jireen.


Dalalkaas Khaliijku, in badan oo dadkeennii ay daad-gureysteen ka mid ahayd, ayaa silic iyo darxumo dhexda ugu sii dhiman jirtey, ama marka ay tamar beelaan, ee ay socon kari waayaan, ayaa si badheedh ahayd dhexda loogu sii gumaadi jirey.


Dalalkaas Khaliijku, nafsad ahaan, hiddo ahaan iyo dhaqan ahaan ba, way inoo dulleysteen, oo dadkeennii dhaawac weyn ayay u geysteen; oo la xisaabtan ayay innaga mudan yihiin.


Dalalkaas Khaliijku, aasaartan ay ku faanayaan, ee ay isku muujiyaan, ee ay ka lacageysanayaani, waa aasaarteennii ay innaga xadeen, ee qarniyada badan ay dhulkeennan ka daldalan jireen.


Dalalkaas Khaliijku, inay magdhaw ina siiyaan, oo ina raali-galiyaan, oo aasaarteennii inoo soo celiyaan, ayaynu xaq ugu leenahay, oo caddaalad ah, oo aan baryootan ahayn.


Sidaas darteed, saddexda dhandhaar (fulinta, xeer-dejinta iyo garsoorka), iyo waliba ururrada bulshadu, waa inay hawshaas si wada-jir ah ugu wada guntadaan, oo Midowga Afrika ay la kaashadaan, oo ay ka guul-gaadhaan - bi idni Allaah.


Tixgalin mudnaan badan leh.


Maxamed Sheekh Daahir


[email protected]
https://tashiwanaag.com/

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...