Xukuumada Muuse Biixi Oo Ku Hawlan Iska Horkeenka Habarjeclo Iyo Dhulbahante
Hargaysa (HWN) Boqor
Buurmadow, oo la waydiiyey in Somaliland Cadow iyo dawladdo shisheeye isu soo
bahaysteen iyo inuu Somaliland la jiro oo difaacayo ayaa ku jawaabay;
"Adeer Somaliland
Cadow iyo waxaa aad sheegayso waxba kama jiraan, waxa aannu ognahay ee ka
hadlaynaa waa in Shacabkii Laascaanood la Xasuuqay oo la geliyey laba guuto,
labadaa guuto oo ay kala wateen laba nin oo reer Hargeysa ah oo la kala
yidhaahdo Ahmed Aakhiro iyo Indho yare.
Waxa aannu ka hadlaynaa
waa in suuqyada iyo Masaajidada lagu laayey shacab aan hubaysnayn oo waxba
galabsan. Waxaanu ka hadlaynaa waa in la laayey Culimadii, Aqoonyahankii,
Haweenkii iyo Caruurtii reer Laascaanood.
Waxaan ka hadlaynaa in
raggii labada guuto watay ee Muuse Biixi oo toos u laayey 21 qof, halkii laga
soo qaban lahaa in Muuse doonayo inuu iska hor keeno Habarjeclo iyo dhulbahante
oo ninkii u dambeeyey ee dhashiikaha lagu dhuftay loo soo qabtay laba nin oo
Sulomadow ah oo aan waxba ridin; taasoo uu uga jeedo inuu isku dhufto dadka Ood
wadaagta ah."
Xukuumada Muuse ayaa
lagu eedeeyay inay xasuuq ka gaysatay Laascaanood, waxaanay xukuumadu sheegtay
inay bixinayso magta dadka lagu laayay Laascaanood