Kevin Mccarthy Oo Ku Guuleystay Afhayeenka Congress-ka Kadib 15 Wareeg Oo Doorasho Ah
Kevin McCarthy oo ka
tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa wareeggii 15-aad loo doortay afhayeenka Aqalka
Congress-ka Maraykanka subaxnimadii hore ee Sabtidii, kadib markii uu
tanaasulaad badan u sameeyay koox ka mid ah garabka midig ee mayalka adag oo
su’aalo badan ka keenay awoodda hoggaamintiisa.
57-jirkan oo laga soo
doorto California ayaa 14 goor waxaa diiday ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsan
xisbigiisa. McCarthy ayaa helay 216 cod, isaga oo waayay hal cod oo ka mid ah
tirada looga baahnaa guushiisa wareegii 14-aadd, iyadoo koox yar oo garabka
midig ah ay taako u dhigteen, inkastoo uu ballanqaaday kharash dhimis iyo
tanaasulaad kale, taas oo sababtay inuu ku guuleystay codadka qaar badan oo ka
mid ah asxaabta garabka midig oo hore u diiddanaa.
Codka ugu muhiimsanaa
ee uu McCarthy raadinayay ayaa ahaa kan xildhibaanka mayalka adag ee Matt Gaetz
oo ka aamusay inuu u codeeyo.
Xubno ka tirsan
hoggaanka xisbiga Jamhuuriga ayaa dul dhoobtay Gaetz oo laga soo doorto Florida
muddo daqiiqado ah, iyagoo isku dayayay inay ku qanciyaan inuu beddelo
go'aankiisa kahor inta aanu McCarthy aqbalin guuldaradii 14-aad.
Gacan ka hadal kooban
ayaa ka dhacay goobta doorashada, iyadoo Mike Rogers uu handaday Gates, laakiin
xubnaha kale ee xisbigiisa ayaa dejiyay Rogers.
Natiijadan ayaa waxay
jahawareer ku ridday golaha wakiilada kadib muddo toddobaad ah oo ay codeyn is
daba joog ahi socotay, taasoo iftiimisay kala qaybsanaanta xubnaha xisbiga
Jamhuuriga.
Waa markii ugu
horreysay tan iyo 1859kii ee xarunta Congress-ka Mareykanka wajado doorasho
ragaadisa howlaha shaqo ee xubnaha Congress-ka.
Waan ku faraxsanahay
inay soo idlaatay doorashadii" ayuu yiri kadib guushiisis.
Madaxweyne Joe Biden
ayaa u hambalyeeyay Kevin McCarthy isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay in
wadashaqeyni ay dhex marto hoggaanka Jamhuuriga.
VOA