"Anigu Ma Ihi Nin Ku Fiican Fardo Fuulka Gamaanka" Siyaasi Maxamuud Xaashi
"Fardo fuulnimada gamaanka, iyo fardo fuulnimada siyaasaddu, waa labo xirfadood oo aad u kala fog"
Shalay iyo Cariskii Coodanle.
Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma raacdo'eanigu ma ihi nin ku fiican fardo fuulka gamaanka.
Hasayeeshee, waxaan ahay nin ku fiican fardo fuulka siyaasadda.
Fardo fuulnimada gamaanka, iyo fardo fuulnimada
siyaasaddu, waa labo xirfadood oo aad u kala fog farsamo ahaan. Waxayse dusha
ka wadaagaan, tobankan hibo iyo hab-dhaqan ee hoos ku xusan:-
1. Feejignaan
2. Fiiro-dheeraan
3. Farshaxanimo
4. Fahmo badnaan
5. Fadal cadaan (Hawl-karnimo)
6. Isku filnaansho (Kalsooni nafeed)
7. Faxalnimo (Deeqsi-nimo)
8. Fudayd la'aan
9. In aanad fule noqon
10. Iyo in aanad mar walba ku foganaan, ama ku
fogaan ficiltanka filkaaga.
Loading...
Loading...