Muxuu Madaxwaynaha Kenya Ka Yidhi Deymaha Lagu Leeyahay Kenya?
Madaxweynaha Kenya
William Ruto ayaa Arbacadii sheegay in Kenya aysan ku guuldarreysan doonin
bixinta deymaha lagu leeyahay, ayna qorsheyneyso inay sare u qaaddo qaadista
canshuur uruurinta labada sano ee soo socota.
Xukuumadda Ruto, oo
xilka la wareegtay bishii Sebtembar ee sannadkii hore, ayaa ballanqaaday inay
xakamayso amaahda ganacsiga ee mamnuuca ah, iyada oo door bidaysa ilo jaban,
sida Bangiga Adduunka, si loo yareeyo cadaadiska deynta.
Deynta guud ee dalka ku
yaalla bariga Afrika ayaa sare u kacday intii lagu jiray olole dhismaha
kaabayaal dhaqaalaha ah oo uu hoggaaminayay madaxweynihii ka horreeyay Ruto ee
Uhuru Kenyatta, taasoo keentay digniino kasoo baxay hay'adaha qiimeynta
dhaqaalaha iyo deymaha.
"Dalkayagu kama dib
dhici doono bixinta deymaha, aniga ayaa idiin damaanad qaadaya inaan kasoo
baxno waajibaadk ina saaran" ayuu Ruto ku yiri wareysi dhinacyo badan
taabanaya oo uu siiyay warbaahinta Kenya.
Wuxuu intaas ku daray
in dowladdu ay hiigsaneyso 24-ka bilood ee soo socda inay aruuriso 1 tiriliyan
oo shilin oo dheeri ah una dhiganta ($8.11 bilyan), wuxuuna ku celceliyay in la
dhimayo 300 oo bilyan oo shilinka amaah ah sannad miisaaniyadeedkan soo socoda
illaa dhammaadka bisha June.