Eedaha Loo Jeediyey Qatar Oo Galaafatay Mudanayaal Badan Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Yurub
Fadeexaddii ruxday
baarlamaanka Midawga Yurub ayaa haatan noqotay mid qoto dheer, ka dib markii
toddobaadkii hore la soo jeediyey in xasaanadda laga xayuubiyo laba mudane oo
kale, kuwaas oo lagu eedeeyey inay laaluush ka qaateen dalka Qatar.
Dalka Qatar ayaa ka
digan, in baadhista uu wado Midawga Yurub inuu saamayn ku yeelan karo
xidhiidhka dhaqaale ee ka dhexeeya Qatar iyo Midawga Yurub. Dalkan ku yaalla
gacanka Carabta ayaa ah, mid ka mida dalalka muhiimka ah ee shidaalka u
dhoofiya Midawga Yurub, xilli uu hoos u dhacay shidaalkii ay ka heli jireen
Ruushka.
Andrea Cozzolino iyo
Marc Tarabella ayaa ah labadii mudane ee ugu dambeeyey ee ka tirsan
baarlamaanka Midawga Yurub ee lagu soo oogo eedo la xidhiidha fadeexadda
musuqmaasuq ee ruxday Brussels. labadan mudane ayaa diiday inay wax laaluush ah
ka qaateen dalka Qatar.
Baadhitaan socday muddo
sannad ah, oo ay wadeen booliska dalka Belgium ayay bishii hore waxay u dhaceen
guryo ay leeyihiin xubno ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub oo qaarkood ay
haatan xil hayaan iyo qaar hore xilal u hayn jiray. Booliska ayaa guryahan ka
helay illaa $1.6 milyan oo dollar oo cash ah.
Booliska ayaa sheegay
inay illaa $158,000 ay ka helaan guriga ay deganayd mudanaha ka soo jeedda
dalka Giriiga ee Eva Kaili, oo ka mid ahayd 14 madaxweyne ku xigeen ee uu
leeyahay baarlamaanka Midawga Yurub. Waxaa lagu eedeeyey inay laaluush ka
qaadatay dalka Qatar.
Ujeedada ay Qatar u
bixisay laaluushkan ayaa lagu sheegay inay ahayd, inay dhaafsato, in loo
fududeeyo masaalix dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo kaga xidhnaa Midawga Yurub.
Qatar ayaa iyadu si
weyn u diiday eedahan loosoo jeediyey.
VOA