Muxuu Yahay Arinka Madaxwaynaha Kenya Qarinayay Ee Uu Hada Shaaciyay?

0
Friday January 06, 2023 - 09:21:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Arinka Madaxwaynaha Kenya Qarinayay Ee Uu Hada Shaaciyay?

    "Waxaa jiray konteenar yaalla meel ka tirsan Nairobi oo gudihiisa dadka lagu gowrici jiray"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa jiray konteenar yaalla meel ka tirsan Nairobi oo gudihiisa dadka lagu gowrici jiray"



 

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qirtay in uu shaqada ka eryay Agaasimihii Hore ee Hay’adda Dambi baarista Kenya, arrintaas oo aan horay loo sii ogeyn.

 

Markii uu Ruto magacaabayay agaasimaha cusub waxa uu sheegay in madixii hore ee Waaxda Dambi baarista uu si iskiis ah xilka isaga casilay.

 

Hase ahaatee madaxweynaha Kenya ayaa hadda sheegay in uu George Kinoti xafiiska uga eryay sababo la xiriira dad la waayay oo si Khasab ah lagu kaxeystay iyo dilal sharciga ka baxsan.

 

Madaxweyne Ruto ayaa shir jaraa’id oo uu xalay qabtay warfidiyeenka ugu sheegay in ay ka go’an tahay sidii uu u xaqiijin lahaa in uusan dhicin dil sharci darro ah oo ay boolisku geystaan.

 

Waxa uu shaaca ka qaaday in boolisku ay sameysteen meel ay ugu talogaleen in ay dadka ku laayaan.

 

"Waxaa jiray konteenar yaalla meel ka tirsan Nairobi oo gudihiisa dadka lagu gowrici jiray – waa konteenar yaalla meel saldhig boolis dhexdiisa ah – sideen ku gaarnay ilaa heerkaas? Maxay tahay hay’adda sidaas u noqotay mid fulisa waxyaabo aan la amrin oo ay iskeed u sameyneysay? Sababtaas ayaan shaqada uga eryay ninkaas la dhaho Kinoti,” ayuu yiri Ruto.



Madaxweynaha ayaa sheegay in uu hay’adda dabagalka ku sameysa falalka booliska ku amray in ay soo baarto kiisaskaas.

 

Waxa u uku adkeystay in booliska ay ku khasban yihiin in ay sharciga u hoggaansamaan, isagoo sheegay in u hoiggaansamidda sharciga ay ku jirto in ay iyaga qudhooda iska difaacaan dambiileyaasha.

 

Ruto ayaa markii uu xafiiska ka eryay Kinoti waxa uu xilka Agaasimaha Hay’adda Dambi baarista ee Kenya u magacaabay nin ka tirsan Soomaalida Kenya oo la yiraahdo Amiin Ibraahim Maxamed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay laamaha amniga.

 

Hay’adda Dambi Baarista oo magaceeda loo soo gaabiyo (DCI) ayaa dowladda u qaabilsan dambi baarista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.

 

BBC

Loading...
Loading...