Ukraine Oo Gaashaanka U Daruurtay Codsi Uu Vladimir Putin U Soo Diray
Madaxweynaha Ruushka
Vladimir Putin ayaa ku amray wasiirkiisa gaashaandhigga inuu ku soo rogo xabbad
joojin 36 saacadood ah jiidda hore ee Ukraine, taasoo billaabanaysa Jimcaha.
laakiin Kyiv ayaa si degdeg ah u diiday codsigaas.
Madaxweynaha Ukraine
Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in xabbad joojintu ay tahay isku day lagu
doonayo in lagu joojiyo horumarka milatari ee dalkiisu samaynayo.
Hadalka Kremlin-ka ayaa
u muuqday in Madaxweyne Putin uu amar ku siiyay ciidamadiisa in ay dagaalka
joojiyaan balse tallaabadaas ayaa la aaminsan yahay in uu qaaday ka dib codsi
kaga yimid madaxa Kaniisad ku talla Ruushka.
Wadaadka kaniisada ayaa
ku baaqay, xabbad joojin loogu talagalay kirismas-ka si loogu oggolaado dadka
cibaadeysanaya inay ka qaybgalaan adeegyada kaniisadaha ee kirismaska.
Kaniisadda Ortodokska
ee Ruushka waa tan ugu weyn kaniisadaha Ortodokska Bari, laakiin waxaa jira
kuwo kale.
Kaniisadda ayaa u
dabaaldagta maalinta Kirismaska 7 Janaayo. Qaar ka mid ah dadka Ukraine waxay u
dabaaldegaan Christmas-ka 25 December, qaar kalena 7 Janaayo.
Amarka xabad joojinta
ee Mr Putin ayaa ugu baaqay Ukraine inay ka jawaabto si "tirada badan ee ka
tirsan madhabta Ortodokska ay ku sugan meelaha colaadaha ka socdaan” ay u
dabaaldegaan Habeenka Jimcaha iyo Maalinta Sabtida ee Kirismaska.
War qoraal ah oo uu soo
dhigay Twitter-ka wax yar ka dib baaqa Putin, Mr Podolyak ayaa sheegay in aysan
jiri karin "xabbad joojin ku meel gaar ah" ilaa ay ciidamada Ruushka
ka baxaan dhammaan goobihii ay qabsadeen.
"Ruushku waxa uu isku
deyayayaa in uu waqti u helo si uu dib isugu abaabulo oo uu u sameysto
dhufaysyo, ayuu raaciyay.
Madaxweynaha Maraykanka
Joe Biden ayaa sheegay in Mr Putin uu si fudud "isku dayayo in uu helo
xoogaa ogsijiin ah".
"Waxa uu Ruushka oran
doonaa "Ukraine ma aysan ixtiraamin kaniisadda iyo dadka cibaadeysanaya
xilligia ciidda”, laakiin waa in aan la iloobin in Ruushka uu ahaa kii
dagaalkan bilaabay isagoo duullaan aan gabbasho lahayn ku qaaday deriskiisa.
Tallaabadan ayaa sidoo
kale ku soo beegmaysa dhowr maalmood ka dib markii tiro badan oo ka tirsan ciidamada
Ruushka lagu dilay weerar ay Ukraine ka geysatay xero ku meel gaar ah oo ku
taal magaalada Makiivka ee la haysto ee Ukraine.
Wasaaradda Difaaca ee
Ruushka ayaa ku sheegtay dhimashada 89 qof, taasoo ka dhigaysa khasaarihii ugu
badnaa ee hal mar ah oo ay Moscow qirato tan iyo markii uu dagaalka billowday.
Ehelada dadka dhintay
iyo sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa muujiyay sida ay uga xun
yihiin wixii ka dhacay Makiivka, waxa ayna eeda dusha uga tuureen saraakiisha
ciidamada oo aan tayo laheyn. Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii sanadka cusub
-oo ah fasaxa ugu muhiimsan ee jadwalka Ruushka.
Tatyana Stanovaya oo ah
falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegtay in ay suurtagal tahay in Kremlin-ka uu
rabo in uusan dhicin khasaare kale oo nafeed oo kale oo dhaca xilli fasax kale
oo muhiim ah uu Ruush galayo.
Goor sii horreysay,
madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday Mr Putin inuu ku
dhawaaqo xabbad-joojin "hal dhinac" ah oo laga sameeyo Ukraine si
labada dhinac ay u wadahadlaan.
BBC