Dhaqan wanaagsan kula dhaqan dadka.

0
Thursday January 05, 2023 - 11:58:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqan wanaagsan kula dhaqan dadka.

    Waxa uu ku sheegay wax yaabaha culaysiya kafadaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu ku sheegay wax yaabaha culaysiya kafadaha


U jeedooyinka loo soodiray [NABIGA CSW] waxa kamida inuu dhamaystiro dhaqada wanaagsan, sidii [NABIGA SCW] ku sheegay xadiithka waxa laysoodiray inaan dhamaystiro dhaqamada iyo akhlaaqaha wanaagsan, waxa la waydiiyay Rasuul scw waxa ugu badan ee dadku jannada ku galaan,


Waxa uu ku jawaabay waa dhaqanka wanaagsan,dadka iigu dhaw dhinaca fadhiga[NABIGA]SCW maalinta qiyaame waa dadka ugu dhaqanka wanaagsan, waayaha aynu nool nahay waxa batay in ay dadku ka qaataan dhaqamadooda dad iyaga ka dhaqan liita.

Soomaalida waxay yidhahdaan "laba qaawani isma qaado” in aad u dhug yeelato cidda aad afkaartaada nolosha ku wajahaso aad ka qaadanayso,oo aad iska hubisaa aad ayay muhuum u tahay,

Aqoonta waxa lagu qiimeeyaa dhaqanka,hadii aad aqoon kasta iyo darajo walba aad gaadho oo aad hada aad u dhaqmayso sida dad caadiga ah ogow aqoontaasi qiimo male, [NABIGA SCW]



Waxa uu ku sheegay wax yaabaha culaysiya kafadaha(miisaanka) maalinta qiyaame waxa ka mida dhaqan wanaagsan,qofka ugu dhamayska tiran dadka dhinaca iimaanka waa qofka ugu dhaqan wanaagsan,kiina ugu akhyaarsan waa ka ugu dhaqanka wanaagsan dhinaca dumarka,


"Ximadaha Allah Waxa Ka mida in uu aduunka ka dhigay wareegto aan cidna u waarin dadku waa beerayaal waxana ay beertaan wixii lagu la dhaqmi lahaa,Wanaaji dadka weelka aad ku waraabinas,adna waa laguu wanaajine,kula dhaqan dadka sida aad rabto in laguula dhaqmo.”اللَّهُمَّ أَحْسَنْتَ خَلْقِي فَأَحْسِنْ خُلُقِي


Waxaad nagala ocon kartaa. Filasho page

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...