Fekerka Isaaqaynta Somaliland, Ma Saxbaa?

0
Thursday January 05, 2023 - 11:43:17 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fekerka Isaaqaynta Somaliland, Ma Saxbaa?

    Ma aha markii ugu horayasay ee tacbiirkan oo kale la maqlo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma aha markii ugu horayasay ee tacbiirkan oo kale la maqlo



Maalmahan dambe waxa aad ugu badatay warbaahinta tacliiqyo laga bixinayo Somalliland oo ka dhashay shaqaaqooyinkii ka dhacay Laascaanood dabayaaqadii bisha Desembar 2022. Ilaah ha u naxariisto dadkii ku dhintay, kuwa dhaawacmayna Ilaah dhakhso ha u shaafiyo.


Dad badan oo ka falceliyey shaqaaqooyinkaas waxa hadalkoodu u dhacayey sidatan: haddii Somaliland rabitaankeedu yahay in ay Soomaaliya ka go’aan, iyana waa inay aqblaan ikhtiyaarka dadka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.



Ma aha markii ugu horayasay ee tacbiirkan oo kale la maqlo, qoraalo badan ayaa magacyo lagu nashiray sida: clan enclave, waqooyi galbeed, iwm. Waxa Tusaale kaaga filan in 3dii bisha Janaayo 2023 uu Baarlamanka Federlka Soomaaliya uu magacaabay guddi soo baarta shaqaaqooyinkii ka dhacay Laascaanood, laakiin aysan ilaa hadda hal eray ka oran dilalkii la midka ahaa ee xukuumadda Somaliland ka geysatay Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo 11kii Ogost 22022. Isaaqu, Soomaali ma aha!!


Bal se aan saafno fekerkan ka dambeeya tiraabahaas iyo falcelintooda-ba. Tiraaabayaasha ereyada, isaaqaynta Somaliland, waxay ka duulayaan, kas ama kas-darraba, (1) in Somaliland ay degaan u yihiin qabill qura oo la yiraa Isaaq; (2) in maamulka Somaliland ka kooban yahay keliya ama metelo Isaaq; (3) in gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay sooc u yihiin dadka ku abtirsada Harti.


Aan ku bilawno qodobka kowaad e’, maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland la oran jirey ee xoriyadda qaadatay 26kii June 1960, waxay doorteen 33 xubno baarlaman oo 13 ka mid ahi ka soo jeedeen beelo aan ku abtirsan Isaaq. Taas oo macanaheedu yahay in deegaano badan oo Somaliland ah ay degenaayeen reero aan Isaaq ahayni.


Somaliland-ta maanta waxay u taagan tahay soo noolayntii Somaliland-tii dhalatay 26kii Juun1960kii. Kolkaa waxa aad halkaa ka soo dheegan kartaa in rabitaanka reeraha Isaaqu yahay inay ka weynaadaan abtirsiin.Laga yaabee inay khaldayaan waddada ay marayaan (gooni-goosi/isutaag). Mowduuca warqaddana, arrintaas way ka baxsan tahay.


Ta labaad, in maamulka Somaliland aanu metelin keliya reer qura, Isaaq, waxa marag ma doon u ah in uu mudane Dahir Riyaale Kaahin uu hogaaminayey Somaliland muddo 8 sanno ah; magaalooyinka Laascaanood iyo Boorame-na ay ka taliyaan maanta xidhibaano shacabku toos u soo doortay; wakiilana ku leeyihiin goleyaasha sharci dejinta. Guddoomiyaha golaha waakiilada Somaliland waxa laga soo doortay Laascaanood.


Taas macanaheedu ma aha ma jiro sed-bursi. Wuu jiraa. Beeni maxay tari. Professor Cali Khaliif (AUN) iyo Professor Axmed Samatar ayaa tabliiq ugu weyso qaatay arrintaas. Nassib darro se way ku hungoobeen! Sed-bursiguna, isla, reeraha Isaaq dhexdooda wuu ka jiraa.


Ta saddexaad, gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn/Buuhoodle waa gobollo la wada deggan yahay. Tusaale gaabaan: gobolka Sanaag waxa Harti u sooc ah, degaan ahaan, degmada Badhan/Laasqoray oo keliya; gobolka Sool-na degmada Caynabi waxay badi sooc u tahay Isaaq; degmada Buuhoodle-na tuulooyin badan oo hoos yimaada ayaa sooc u ah beesha Isaaq. Kolkaa arrinku sida loo sawirayo uma aha caddaan iyo madow.


Kolkaa haddii dadka fekerkaas qaba, isaaqaynta Somaliland, tooda loo raaco, bal halkee ayey xariiqa marinayaan oo reeraha xad u noqonaysa? Ma waxay rabaan in Ceerigaabo, iyo degaano badan oo kale, sida Gaalkacayo khad cagaarani dhexmaro! Subxanallah.


Fekerkaasi wuxu inoo biniixinayaa faraqa u dhexeeya fekerka asaaska u ah Somaliland iyo Puntaland. Somaliland waa juqraafi/taariikh raac, Puntland-na waa abtirsiin raac.


Mid baa se lagala soo dhex-bixi karaa tibaaxahaas, kaas oo ah: in taabiciinta fekerkaas kore, isaaqaynta Somaliland, aysan dan ka lahayn in reeraha Isaaqa ku abtirsdaa ka goostaan jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee dhalatay 1dii Luuliyo 1960.


Waxa kale oo laga soo daliishan karaa in madaxda koonfurta ee qabta fekerkaas iyo madaxda Somaliland isku mabada’ yihiin: iskuma diidana kala goynta waddanka, waxa keliya oo ay ku muransan yihiin reeraha ka baxaya jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo kuwa ku soo haraya. Talow ma dhaadeen midhkaas!


Waxase murankan soo afjari kari lahaa Somaliland oo ka tanaasusha gooni-isu-tagga/goosiga, kuna soo noqota xayndaabka jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Ilaah ha garansiiyo. Aamiin.


Talow maxay dadka fekerkaas (Isaaqaynta Somaliland) qabaa oran lahaayeen markaas? Adaan kuu daayey akhriste.


Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...