Xinka Habar Magaadada. W/Q: Ahmed M. Adam

0
Wednesday January 04, 2023 - 21:37:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xinka Habar Magaadada. W/Q: Ahmed M. Adam

    Si wayn ayaan u salaamayaa Dadka Somaliyeed, meelkastay joogaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si wayn ayaan u salaamayaa Dadka Somaliyeed, meelkastay joogaan.


 

Xinka, Xasadka iyo hinaasahu waa qariisado xoog badan oo uu Eebaheen ku abuuray dhammaan naflayda/Xayawaanka.

 

Ha ahaatee, Xinka iyo Xasadka Dadku wuu ka xoog badan yahay ka xayawaanka kale. Waxaana inagaga filan sifihii Janada lagaga eryay Awowgeen Aadan iyo Ayaydeen Xaawa. Tilmaan labaadna waa dhagartii uu Qaayin ku dilay walaalkiis Habiil.

 

Wajiyo badan ayay usoo baxaan Xinka iyo Xasadku.

 

Waxaa jira Xasad Qaran, Qaran kale u gala; Xasad Qabiil, Qabiil kale u gala; Xasad Qoys,  Qoys kale u gala; iyo xataa Xasad Diin, Diin kale u gala.

 

Ummadda Somaliyeedna waxay ka mid yihiin dadyowga Addunka kuwa Xinka iyo Xasadka dhexdoodu ugu xoog badan yahay.

 

Xinka iyo Xasadku waxay ugu wayn yihiin asbaabta keentay inuu Qarankii Somaliyeed dumo iyo in Ciladaha Dhaqanka iyo Siyaadda, Celintooda la saari kari waayo.

 

Marka Ummadda Somaliyeed, DegaanDegaan ama BeelBeel hoos loogu daadego, waxaan si aad ah u aqaan oo uga warhayaa Beesha Isaaq ee aan ka dashay iyo labadeeda Dhaqan Hoosaad ee Dhaqan Hoosaadka Habar magaado iyo Dhaqan Hoosaadka Habarjeclo. Waxaanan ogahay inay Xinka iyo Xasadku kusii xoog badan yihiin Dhaqan Hoosaadka Habar Magaado. Taasna ay abuureen Sooyaalka Taariikhda, Juqraafiga Degaanka iyo Dhaqaalahu.

 

Hadaba anigoo maalin kale dib uga hadlidoona mawduucan, bal aan horta idinla qaybsado maansadan tilmaamaysa inaan anigu iska daaweeyay, ilaahay galadiise. Qof kastaana iska daaweyn karo Xinka iyo Xasadka, haddii uu go'aansado, Alle na la kaashado.

 

Xasadkiyo Xumaatada,

Xinka Habar Magaadada

Xawligiisu badan yahay,

Nin xareed ku maydhoo,

Xamdu Eebe weeyee,

Ka xoroobay baan ahay.

 

Xamdu Eebe weeyee,

Xaqa Ummadu leediyo,

Nin xuquuqda dhowroo,

Xilkasnimo u dheertoo,

Xeerka dhaafin baan ahay

 

Xamdu Eebee weeye,

Xoogsade xalaal cun ah,

Xaaraan afkiis galin,

Dadka wada xushmeeyoo,

oo xishooda baan ahay!

 

Ahmed M. Adam

E-mail: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...