Dagaalka Sool Ninkii Doontay Hayska Daafaco ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday January 04, 2023 - 17:25:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaalka Sool Ninkii Doontay Hayska Daafaco ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Is Gunaanadaye Godka Saani U Gal imikaad galbate!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Is Gunaanadaye Godka Saani U Gal imikaad galbate!


 

Waxa la yidhi " Dhubuq-dhubuq hore dhabana hays dambe bay leedahay¬ waa su'aa;e ¬ Laascaanood waxa ka taagan yaa dhigay¬? Yaa ka dambeeya ee wax dilaaya? Maxaa loo soo qaban waayey cidda wadda? weli wax la xukumay miyaad maqasheen? Ama la leeyahay waanu haynaa? In baadhi-taan ah oo lagu sameeyo maxaa loo diiday? iskaba dhaaf intii hore oo haddii aad daacad ka tahay oo aanad meel iskaga baydh ahayn ¬ Ma Puntland bay ahayd tii Rasaasta ku furtay dadkii ka gadooday Alle Haw naxariisto'e Marxuum Hadraawi¬? Yaa amaanka Laascaanood mansuul ka ah oo xil-kaas dusha loo saaraa? Ma Puntland mise ¬ Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan¬? Amarka dadka shicibka ah lagu xasuuqay yaa bixiyey? Akhristaw lama soo koobi karo ari,aha is-weydiinta leh. ee ay ku kaceen askarta ka amar ku taag-laysa guriggii Moorgan waa ¬ Xaafad-Tooyada.e¬  waxa ay ummadda reer Somaliland si cad ugu sheegaysaa, in ayna dagaal la gelayn, kuna duulayn beel kale ee isaga iyi dayday-ga uu geeyey Laascaanood waa halka ay dhigtaa. Balse haddii aan isku dayno inta sare ku qoran iyo wixii soo raaci kara-ba, halkan hoose ka akhriso waa kuwan xaqiiq-ddii oo aan biyo is-mariniye:-

 

Waxa ka taagan laascaanood waxa u aabo iyo hooyo ah Labadda asakri ee sare ku yaal. wax allaale wixii lagu dilay-na iyaka baa ka dambeeya, oo ugu tallo galay sidan, waxay ay ka qabteen wixii dil iska daba dhacaayey ma ay jirto sababta oo ah waa amuur ay ku tallo galeen. dana aanay ka lahayn. oo ay iyaka uun ku ilaali-naaya in ay kursiga ku sii fadhiyaan, si ay u yidhaahaan distoorka ( uu basaday) baa sheegaaya haddii dagaal dhaco in uu wakhtiga kordhsanaayo. waxani maaha wax si Alle ku yimi ee waa farsamo loo dejiyey in ay cayn-kani dhacdo. si Isaaqa loogu beer laxaw-sado Daarood oo ay hor kacayso Puntland iyo Al-shabaabland ( waa waxa aad ugu yeedho ¬ Somaliya'e¬ runtu waxay tahay Puntland mansuul kama aha Sool meel kasta oo ay ka tahay-ba. 30.000 kun oo daydayga direyska uu u soo xidhay ¬ Raggii ma adigaa ka hadhay baa jooga, weliba 13.000 ay Laascaanood fadhiyaan, sidaas awgeed dadka wax dilayaa halkee bay ka soo geli lahaayeen ama ka baxsan lahaayeen hadaan lala ogayn? oo aanay ahayn xaajo qorshaysan? Maxaase loogu soo beegay maalin ka hor bilawggii Diiwaan-galinta? Wax kale ma aha ee quus bay ka taagan yihiin in looga foodo. waayo %90 Dhulbahante waa wadda Mucaarid. sidaas awgeed baa qaska loo geliyey si aanu cod uga soo bixin Mucaaridka. imika bay cabaadka ka wadhayaan. oo ay kolba  meel isku qaadaysaa labadda askari digsi xagatadda uu ku adeegtaa, ee ay u tuuraan qanjidhadda ay Xuunshadu ka xishooto.

 

Horaa loo yidhi ¬Nin daad qaaday xumbo cuskay¬  waar wax iska celi, beel dagaal kula gelaysaa ma jirto'e jooji tolaay yaa Iaaqa ah neef=yahaw.Yaan lala yaabin xishhod la'aanta labadda askari, waayo mid waxa isu raacay waali, cuqdad uu beerka milil jiifo, uu beello khaas ah u qabo, doqonimo iyo macangag-nimo uu u dhashay. maskax xumaan cadaan ah. iyo isaga oo sidda candha-buuraha u xintama. ka kale-na waa Geenyo Shaaximan oo sidda ilmo 3 jira ah uu farta wax ugu sheego. dabeed iasaga oo kun-kuunsan buu daf u odhanayaa halkii uu u tilmaamay ka uu hoos fadhiya. Haba-yaraatee d.al wax laga qabtaa ma jiro in la boobo mooyee. kaaga darane waxay maryaha sii dhigteen markii Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan loo doortay Gudoomiyaha Xusbiga Waddani. Waayo waxa uu ka dhigay Rajo la'aan. baguuga-hana wuxu ka sameeyey Qudhmiye oo uu cidla soo taagay. Waxan ku soo af-meeray qoraalkan. Maanta waad arkay-seen labaddii asakri, oo inta ay been soo malma-luuqeen aan sal iyo raad lahayn, wax ay ku sheegeen 40 qof baa la dilay oo been ah, ee ay tirada tunta ahi tahay 175 ruux, intii uu askarigan jaahilka ahi kursiga boobay oo keliya. Waxay su'aashu tahay. waxa ay maanta sheegayaan, maxaa ka hor taagnaa shantii sano ee uu wax walaaqaayey, markii lagu ogaaday in uu isagu hor iyo dababa aabo ka yahay, buu hadeer wixiisii xilka lahaa (Waa Beentiiy uu awel-ba) la badhaacin jireye, ku lahaa intaas  baanu qabanay. intaasna waa la xukumay { miyaad weli maqasheen dad-kaas wax dilay oo la leeyahay waa la xukumay),  Waar xaarka isku haya waa la idin hayaaye.

* N.B Is Gunaanadaye Godka Saani U Gal imikaad galbate!

Qore:- Abdi-Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...