WAR DEGDEG AH: Muuse Biixi Oo Xil Kaqaadis Iyo Magacaabis Sameeyay
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin
Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-973/042023,
JSL/XM/WM/222-975/042023 iyo JSL/XM/WM/222-976/042023 uu xilka qaadis,
magacaabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka
mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd
Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Ku: Cabdillaahi Abokor
Cismaan
Wasiirkii Hore ee
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sunnaha Dawladnimo ayaa
ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda maanta
waxaan go’aamiyay in aan kaa qaado xilkii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,
Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa darteed, waxaan kaaga
mahad-celinayaa muddadii aad Qaranka u soo shaqaysay.
Ujeeddo: Beddel
Markaan Arkay: Qodobka
90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay:
Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In
uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In aan Mustafe Maxamuud
Cali Bile (Godane) ka soo beddelo Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada
iyo Qoyska, una beddelo laga bilaabo taariikhda maanta in uu ahaado Wasiirka
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay:
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay:
Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In
ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In Cali Cumar Maxamed
(Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda
Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland.