Qaybta Koobaad Haasaawihii Hodan

0
Wednesday January 04, 2023 - 12:18:17 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaybta Koobaad Haasaawihii Hodan

    Waxa aan ku socdaa gashaanti aan haasaawe-wadaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan ku socdaa gashaanti aan haasaawe-wadaag



Waxa aan xilli casar liiq ah ka soo carraabay gurigeenna. Waxa aan gacanta midig ku sitaa ul dheer oo dhabi ah oo aan gacan qabsi ka dhiganayay. Sinta bidix waxaa iigu xiran billaawe/toorreey, billaawuhu waa xiire-xiire xoolo idil dhammeeyay. Waxa aan xiranahay macawis sabar ah oo jaalle ah, shaati cad iyo kabo janbal ah oo mad-madaw.



 

Inta aan xiranahayba maalin aan sidaa u dheerayn ayaan magaalo noo dhawayd ka soo iibsaday. Waxa aan si fiican u soo marsaday catar udug badan oo qofkii mar ursadana sanka uu la sii raacayo. Waxa aan dheeraynayaa tillaabada oo iima dhawa halka aan u hayaamayo. Waxa aan socodka dheerarkiisa isku dhaafinayaa tixo suugaan ah oo aan ka dhagaystay dhallin iga waawayn oo aan daris ahayn.


 

Waxa aan ku socdaa gashaanti aan haasaawe-wadaag ahayn, oo ay reerkoodu daggan yihiin meel cabbaar inoo jirta. Muddo markii aan sii socday reerkiina aanan soo gaarin ayaa uu gabbalkii ii dhacay. Cirku waxa uu leeyahay daruuro badan, dhulku waa kaymo aan meel bannaan lahayn. Wax toosh ah ma wato, oo waxa aan hal xabbo oo aan haysannay kaga soo tagay reerka oo meel aaf ah dagganaa.


 

Waxaa soo curtay roob aananba ku sii tashan in uu imaanayo, waayo waxa ay ahayd xilli uu qorraxeed sii dhammaanayo, wakhtigaana carradu waa jiilaal. Waxa aan ku socdaa dhabbo yar oo ay dadku lugta ku bixiyeen, waxa aan raacayaa dadku meesha ay saanta dhigeen, kolna waa ay iga dhuntaa oo waxa aan ku raadiyaa gacmaha. Waddada jirjiradeeda waxaa ka baxay geedo badan, waxaa baarka isla galay cadaad, xammur iyo sarmaan.


 

Mid kastaa oo ku taabto kan kale waa ka xanuun badanyahay. Haddii aan dhabbadaa yar ka dhumo waan anbanayaa, oo waxaa ikala diiranaya duurjoog isugu jirta libaax, shabeel, dhurwaa iyo halaqyo ay jabistu u wayn tahay. Waxaa gaararkayga ka ciyaya dhurwaayo aad ba mooddo in ay iskugu kay col dhuranayaan. Waxa aan isku celinayaa neefta, Yaasiinta ayaanan hoosta ka daldalayaa. Waxaa mar qura dhulka isqabsaday dhibic aad mooddo dhagaxyo lagula dhacaayo, waa karar dhulka mar kaliya biyuhu isla gaddoomeen.


Waxaan galay geed bilcil ah oo qoodihii aan hayey barbarka ku haya, geedka waxaa kor ka saaran diifoow labada dhinacba kala wareegay. waxa uu leeyahay hal irrid oo kaliya, waxa aan hal-haleel uga galay isla irridkii. Wax yar markii aan jirsaday geedkii, qarqaryadii badnaydna iga yaraatay, dhibicduna ay wali sidii u hoorayso ayaa waxa aan meel agtayda ah ka maqlay bajalaq-dhabad aad mooddo qof biyaha ku soo dhex socda, dhegta ayaan u taagay saa waxbo lama arkee,oo haddiiba indhaha faraha xitaa lagaa galinayo arki mayside, in cabbaar ah markii aan u dhag taagayay wixii waa ay ii soo dhawaanayaan, wax yar baan sugay walina waa sidii oo waxaadba mooddaa wuxu in ay geedka iigu soo gali rabaan. Aniga oo yaabban! Waxna aan arkin wali, ayaa hal mar roobkii onkoday oo hillaac dhulka oga wareegay. Markaas ayaa waxa ay indhahaygu qabteen libaax aar ah oo geedka soo gali raba, waan naxay! Talaa igu ciirtay, meel aan wax ka billaabo ayaan garan waayay. Isagu waa uu i arkayaa oo waxa uuba iga soo uriyey dhanka dabayshu ay u socoto.


Waxa aan xaqiiqsaday in libaaxan aynaan caawa kala badbaadayn, waxa aan midigaystay ushaydii, durbadiina waxa aan isku diyaariyay dagaal nolol ama geeri ah. Qur’aanka afka kama qaado oo waxa uuba ii yahay wehel cabsida iga daminaya. Sidii aniga oo dagaal ugu jira sugayana soo bootinta libaaxa taagan irridka geedka aan ku jiro waxbana aanan arag, ayaa waxaa mar kale ii baxay hillaac, aan fiirshayba waxa uu ii fadhiyaa gudaha geedka oo intii hore waa uu ka soo durkay. Fadhi kaliya kuma ekee waa uu halaaqoonayaa, miciyahana isku lisanayaa. Wakhti xaadirkaas ninkii fulay ah cago kuma sii taagnaanayo, halkaas ayuuna libaaxu ku cuni lahaa.


Ma cabsane Alle ayaan talasaartay, guntigana sii dhuuqsaday, aarku cabsi galin ma daayo oo waxa uu dhabidhisanayaa oo saynta ayaa uu la dhacayaa feerihiisa, diryanka feerihiisa ka yeeraya marka aad maqashid waa aad argagaxaysaa. Waxa uu adeegsanayaa hinraag aad mooddo maqaar la garaacayo. Waxa uu sidaas ahaado aniguna aanan dhag jalaq u siin meeshaydiina sii taagnaado, waxaa joogsaday roobkii. Mar allaale markii uu roobkii joogsaday ayuu illinkii geedka ka baxay meel cabbaar yar u jirta geedkana fadhiistay isaga oo wali hinraaggii wada.


Geedkii ayaa aan ka soo baxay, gadaalna uma laabane waxa aan cagta saaray waddadii aan horay ugu socday. Igama harine waxa uu qaaday feertayga, waxa uu kolba ii galayaa surin yar oo waddada agteeda ah, tanaaba tii hore ka daran! Oo arki maysid kolbana waxa uu galayaa geed horleh. Iftiin iyo geesinnimo kuma socdee waxaan ku socdaa isbiimayn iyo Tawakaltu. Waxaa ii muuqato Gashaanti dhowr bilood kahor iskugu kaaya danbaysay, sheeko wadaagna aan ahayn. Bilahaanse aanan is arag, taleefoon aan kala xariirana labadanadaba mid wato ma uusan jirin. Waxaa iga go'an si ay noqotaba in aan caawa duljoogsado reerkooda, kaddibna aan sheekada isla gaddino, aroortiina reerahaygi u soo dheelmado.


Libaaxu waxa uu kolba ii galyaa waddada jirjirkeeda, aniguse ma arkee meeshii aan ka shakiyaba usha un baan iskula gaddiyaa markaas ayuu boodaa oo xagga oo kale bootin ku dhacaa. Waxa aan sidaas ahaadaba waxa aan is dul taagay reerkii gabadha oo ahaa gaar u dag sida reerkayaga oo kale ah. Reerka waxaa u yaal sarsar dheer oo ku wareegsan dayrka. Waxaa guud ahaan reerka ku wareegsan dudun salka lagasoo jaray dabadeedna rag xoog badan isla soo jiideen. Waxaa dhanka bannaanka soo xiga geedka qodaxdiisii oo meel laga maro aan lahayn. Waxaa sarsarkaas loo dhigay libaaxa iyo dhurwaaga qaada-qaadaha ah, hargalkana xoolaha ka diiranaya.


Waxa aan ku dul wareegay reerkii bal in aan helo meel yar oo aan oodda ka fuulo. Waayay, oo waan noogay, meel kasta ka istaagay ooddii meel yarna ma leh. Libaaxii igama harine waa i daba taaganyahay isaga oo aan wali gurxanka iyo hinraagga kala joojin. Cabbaar markii aan ku dul meerayay sarsarkii ayaa waxa aan helay geed ku dhaggan sarsarka. Waa aan fuulay geedkii kaddibna waxa aan ka sii booday geedkii aniga oo ku dhacay gudaha daaradda, waxaa taa iiga daran geedki ka booday oo dayrkii galay ee hadhow xagee ayaa aan ka sii bixi doonaa, saa ooddani waa mid dhowr nin oo xoog badan isla soo jiideene. Intaasiba iima muuqdaan oo waxaa boholyowgeeda iyo hilowgeedu i hayaa Hodan oo ay muddo ka hor iskugu kaaya danbaysay. Waxa aan markiiba galay gurigii, waxaa guriga isla hurda hooyada gabadha iyo carruurteeda. aabuhuna waxa uu jiifaa meel guriga kaadkiisa ah, oo waxa uu waardiya ka yahay xoolaha oo markaas qaylada libaaxa la guulowsan.


Waxa aan toosiyay Hodan oo jiiftay meel geeska caruurta ah, si kalase kuma arkayne waxaa xirsifur ii noqday guriga oo faynuus ka shidnayd. Way kacday oo fadhiisatay, dabadeedna cod macaan badan ku tiri "Waa kuma?". Ma aamusine waxa aan markiiba la soo booday "Waa Hillawle". Waa ay yaabtay! Markiibana su'aal la soo booday oo waxa ay tiri "War Hillawle xagee baad soo martay soo tan roobku caawa dhan da'ayay oo kol dhaw kacay?". Waxaan ugu jawaabay "Nin Dan lah madaalee ina keen aynu sheekaysannee”. Ma diidine waxa ay tiri hawraarsan iyo guddoon.


Waxa aynu fadhiisannay meel aqalka wax yar u jirta, markiiba waxaa si talantaalli ah noogu billowday sheekadii, iyadu waa inan hadalka heli og oo aan laga gayoonayn sheekadeeda. Ma aha hablaha hayehda uun gura ee agtooda aad caajiska ugu dhimanayso e waa gabar Alle SW xikmad iyo aftahannimaba u dhaliyey, duurxulka iyo sarbeebtana ku sarriigata. Hadba intay go’a afka saarato ayey qosol yar jagac ka siinaysaa anna dhoosha ayaan ka daawanayaa. Ma moodid habaynkaba kii gudcurka damtaa ahaa ee aan hadda ku soo dheelmaday.


Sidii ay sheekadu noogu socotay ayaa waxaa dhanka bari ka soo iftiimay kaahii waaberiga, markiiba waan isa sii macsalaamaynay Hodan innaga oo ku ballanay in uu arooskeennu dhaco markii uu naqu si fiican isku soo raaco, markaasna aan reerka u soo geed fariisto. Waxa aan ku kala tagnay hawraarsan iyo guddoon, inanga oo midba midka kale ka farxad badan yahay. Waxa ay iga bixisay dayrkii meel yar oo aysan dadka dhammi garanayn oo uu ka soo galo qofkii reerka ka mid ah ee soo daaha habaynkii amase dhallinta iyada la dhalatay ee u haasaawe doonta reeraha kale, maadaama aysan xaafaddu lahayn irrid kale oo laga soo galo, makhribkiina dudumaha lagu soo jiido.


W/Q Cabdullaahi Cabdi Xaashi.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...