Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Laga Helo Tufaaxa
Tufaaxa waxaa ku jira
fitamiinno iyo maaddada fiber-ka ee caloosha u fiican, wuxuuna ka mid yahay
miraha u wanaagsan caafimaadka, sida ay sharraxeyso Nicola Shubrook oo ku
takhasustay cuntooyinka nafaqada leh kana howlgasha dalka UK.
Tufaaxu waxa uu
leeyahay midabyo kala duwan, wuxuu u kala baxaa ku dhowaad noocyo gaaraya 2,000,
waxaad arkeysaa tufaax cagaar ah, mid leh midabka huruuddda iyo casaan ah,
dhadhankooda wuu kala duwan yahay.
Tufaaxa waxaa ku jira
nafaqooyin kala duwan oo isugu jira, borotiin, fitamiin C, maaddada potassium
iyo carbohydrates.
Faa'iidooyinka
caafimaad ee shanta ah ee laga helo tufaaxa
1. Wuxuu hoos u dhigaa
heerka kolestaroolka
Tufaaxa waxaa ku jira
maaddada pectin oo ah fiber dabiici ah oo laga helo dhirta.
Cilmi-baaris dhowaan
lagu daabacay joornaalka Yurub ee ka faallooda nafaqada ayaa lagu ogaaday in
cunista tufaaxa uu ku badan yahay maaddada pectin-ka ayna saameyn ku leedahay
hoos u dhigista heerka kolestaroolka.
Sidoo kale daraasad
kasoo baxday akadeemiyadda nafaqada waxay muujineysaa in cunista qiyaastii 75g
oo tufaax ah oo la qallajiyey (qiyaastii laba xabbo oo tufaax ah) ay ka
caawisay hoos u dhigista kolestaroolka gaar ahaan haweenka uu ka go'ay dhiigga
caadada.
2. Waxaa laga yaabaa in
uu ka hortago cudurka macaanka
Maaddaama tufaaxa uu ka
baxo maaddada fiber-ka haddii ay ku darsanto maaddada kale ee isla tufaaxa laga
helo ee flavonoid-waxay ka qeyb qaadanayaan inay xoojiyaan dareenka ka dhasha
maaddada insulin taasoo muhiim u ah maarreynta miisaanka qofka iyo ka hortagga
cudurka macaanka.
3. Tufaaxa wuxuu ka
hortagga cayilka
Cilmi-baaris lagu
sameeyay xayawaannada qaar waxay muujiyeen in maaddada pectin ee uu soo saaro
tufaaxa ay gacan ka geysan karto nidaaminta microbiome-ka (bakteeriyada
mindhicirka waxtarka u leh), taas oo iyadana laga yaabo inay ka hortagto
cayilka iyo cudurrada kale ee ka dhasha xasaasiyadda.
Daraasadaha lagu
sameeyay bini'aadamka waxay sidoo kale u muuqdaan kuwo rajo leh, laakiin
cilmi-baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay oo ku saabsan tufaaxa.
4. Waxaa laga yaabaa
inuu ka hortago cudurrada wadnaha
Tufaaxa ayaa qani ku ah
maaddada quercetin, cilmi-baaris ay sameysay Jariidada laga leeyahay Mareykanka
ee ka faalloota arrimaha nafaqada waxay ogaatay in dadka ay jirkooda ku badan
tahay maaddada quercetin ay yihiin dadka ugu horreeya ee cuno tufaaxa kuwaasoo
ay yartahay halista ah inay ku dhacaan cudurrada daba dheeraada oo ay kamid
yihiin neefta iyo cudurrada wadnaha.
5. Tufaaxa lafaha ayuu
u fiican yahay
Isticmaalka khudradda
iyo miraha ayaa loo maleynayaa in lala xiriiriyo xoojinta caafimaadka lafaha.
Natiijooyinka ka soo
baxay daraasad lagu sameeyay haween caafimaad qaba ayaa soo jeedinaya in
tufaaxa, gaar ahaan uu xoojin karo heerka maaddada calcium-ka jirkeenna ee
xoojiya xoogga lafaha.
BBC