Daryeel Lumay qeybtii 1aad

0
Tuesday January 03, 2023 - 12:45:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daryeel Lumay qeybtii 1aad

    Waxa is badashey noloshaydii ka dib markii aabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa is badashey noloshaydii ka dib markii aabo



Noloshu aad bey u qurux badneyd ka hor inteyna wax waliba is badelin, waxa aan ku noolaa deganaan iyo farxad dhameystiran, waxa aan u dhaxeeyey hooyo iyo aabo oo mid waliba kalgaceyl gaar ah i siiyo, aabahey waxa aan u ahaa curad halka hooyo aan u ahaa guridanbeys.


Waxa aanu degnahey duleedka magaalada, aabo waxa uu ka shaqeyn jirey dukaan uu lahaa oo ku yaalay suuqa magaalada, dhaqaale wanaagsana waanu ka heli jirney, hooyo se waxey noo aheyd macalimad nagu tarbiyeysa jaceyl iyo daryeel xad la'aan ah.



Waxa is badashey noloshaydii ka dib markii aabo xanuunsadey, dukaankii aanu laheyn wixii xoolo kasoo xaroon jirey aabo ayaa dhakhtar lagu geeyey, ugu danbeyn waxa loo xaraashey dukaankii si dawooyin dibada loogu doono, daawooyinkii markii uu qaatey aad buu ugu ladnaadey, hanti waxaanu ka laheyn dukaankaas baaba'ay kaliya, aabo suuqa ayuu galay deyn ayuuna dalbadey si uu shaqo ugu abuurto ka dibna isaga bixiyo, balse ma aanu helin cid amaahisa oo badi bulshaduba waxey ku sugan yihiin sicir-barar iyo xaalado aad u adag.


Maalmo ka dib aabo xaaladiisu wey kasoo dareysay, foolkiisnaa waxa ka muuqanayey murugo aad u daran, anagu gaajo ayaan la balan-baleynaa oo ma heysano jidiin aanu dhuunta marino iyo biyo aanu cabno toona, intii taalleyna wey sii dhamaatey, aabana arrimahaas ayaa maskaxdiisu xal u la'dahay, aniga oo ah warsame waxa kor iiga weyn inan iyo wiil laxaad la', da'deyduna waa 18 gu'.


Waxa aan go'aansadey inaan reerkayaga wax kusoo kordhiyo, waxa aanan bilaabey inaan noqdo;


La soco qeybta 2 aad

Khaalid Khaliif

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...