Isaaq Goormuu Sheekh Isxaaq Noqdey?

0
Tuesday January 03, 2023 - 12:18:59 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isaaq Goormuu Sheekh Isxaaq Noqdey?

    Sandduluu ku soo noqon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sandduluu ku soo noqon

Suugaanteennu, waa innoo marjac-taariikheed, oo waa innoo maktabad-isireed, waa innoo matxaf-asaleed iyo dhaqammeed; oo waa innoo dhaxal-reeb.


 

Sidaas darteed, 1950kii ka hor, waa hubaal, oo Isaaq, oo aan Isxaaq ahayn, oo Sheekh aan ahayn, oo darajo Sheekh aan lahayn, ayay abwaannadu ku wada hal-qabsan jireen.



 

Taas macnaheedu, waa 1950kii ka dib, ayaa Isaaq la Ahlu-beyteeyey, oo Sheekh Isxaaq loo bixiyey.


 

Waxa xusid mudan, in xilligaas la Ahlu-beytoobey, ee Isaaq la Sheekh Isxaaqeeyey, in ay ahayd xilliyadii xornimo-doonka, ee gobonimo-doonku uu isticmaarka ku kacey, ee uu halganku socdey.


 

Kooxdii yareyd, ee isku deygii Ahlu-beyteynta Isaaq ka dambeysey, waa lagu kacey, oo waxa lagala hor tagey:


 

Saca faarsa tagey

Saddex maalintuu qado

Sandduluu ku soo noqon

Saa waxa ka dhigan

Safka maanta yidhi

Saadaaanu nahay

Ee Soomaali aan diidno.

 

Tixgalin mudnaan badan leh.

 

Maxamed Sheekh Daahir

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...