Fashal siyaasadeed iyo mid maamul oo ka yimi Soomaaliland

0
Monday January 02, 2023 - 15:23:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fashal siyaasadeed iyo mid maamul oo ka yimi Soomaaliland

    DAMINTA DABKA HURAYA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAMINTA DABKA HURAYA



In Somaliland Ku Guuldaraysatay Ilaalinta Dadkeedii Ay Masuuliyadooda Qaaday.

Canaanashada Dadkii Ay Dawalada U Ahayd, Sida Hadalka Odhanaya Reer Laascaanood Iyagaa Isdilaya. Taasi Maaha Maangal


 

In Madaxwayne Biixi Ka Dhigay Hal Bacaad Lagu Lisay Dedaalkii Madaxwayne Siilaanyo Iyo Pr. Cali Kh. Galaydh



Cabashadii Dadka Oo Rasaas Loogu Juwaabay

Sii Wadadida In Laascaanood Laga Dhigo Xarun Dagaal

Ka Fikirka Jarida Adeegyada Asaasiga Ah


 

Qabiilaynta Dagaalkan

In Lagu Sheegay In Isaaq Ku Soo Duulay Dhulbahnte, Taasi Waa Been. Haddi Ay Soomaali 40 Sanno Ee U Danbeeyay Wax Baratay, Waxay Baratay In Qabiilna Qabiilkale Muquunin Karin.


 

Qorbojoogta Aan Waxba Kaga Dhimanayn Dhulkaas Oo Hurinaya Colaad Aanay Iyagu Waxba Ku Noqonayn.

 

Daarood/Isaaqayn Dhibaatada Laascaanood, Oo Maangaabyo Dhinacwalba Ka Buuxa Ku Baaqayaan. Kuwaas Oo Baraha Bulshadu Buux Dhaafiyay.


 

Ninka Somalinad Kala Jaraya Ee Leh Soomaali Ayaan Midaynayaa Waa Munaafaq Beenaale Ah. Waayo Soomaliland Oo Ahayd Meelihii Faro Ku Tiriska Ahaa Degenaada Soomaalidu Degto Kadib Burburkii Dawaladii Dhexe, Ninka Duminaya Ama Hagardaameynayaa Kama Duwan Maahmaahdii Ahayd Hooyadii Cune Habaryatii Ma Hanbeeyo.


 

Xalku Muxuu Noqonaya

Dadka Reer Sool Ayaa Go’aaminaya Mustaqbalkooda.


In CiidamadaMilitariga Ah Laga Saaro Magaalada, Laguna Bedelo Boolis/Ama Meelishiyaadkii Deegaanka Ee Awalba Joogi Jiray Si Loo Ilaaliyo Amaniga Iyo Kaladanbanta Magaalada. Loogana Fogaado In Dhimasho Kale Dhacdo


 

In Sid Dhaba Loo Helo Cida Nabadgalyo Darrada Ka Wada Gobolka, Oo Wax Lagu Qanco Ay La Timaado Dawalada Somaliland.


In Askartii Dadka Laysay Lala Xisaabtamo, Caddaaladana La Horkeeno. Haddii Kale Maalinba Sida Ay Dad U Tooganayaan Kuwaasi, Waxa Imandoonta Inay U Nooqdaan Bartilmaameed Dadkii Ay Dadkooda Laayeen


In Madaxwayne Biixi Gogol Nabadeed Fidiyo Oo Ay Dhamaan Dadka Deegaanku Kasoo Qaybgalaan Mid Diidan Iyo Mid Ogolba Qadiyada Somaliland.


In Aan Marnaba La Jarin Adeegyada Asaasiga Ah Sida Isgaadhsiinta Iyo Korontada, Waayo Taasi Waxay Noqondoontaa Xantoobadii Awrka Dhabarka Ka Jabisay


Kuwa Leh Reer Sool Waa Lahaystaa Oo Isaaqbaa Haysta, Waa Maangaabyo Aflagaadaynaya Dadka Reer Sool. Reer Sool Ka Wayn Kana Balaadhan Cid La Qabsado, Oo Shalayba Kalidood Ayaa Ingriis U Babacdhigay


Kuwa Leh Soomaalinimo Ayaanu Wadanaa Haddana Ku Baaqaya In Kala Goynta Somaliland, Inay Ogaadaan In Taasi God Dheer Ku Ridi Doonta Rajo Kasta Oo Laga Qabay Calool Fayoobaan Dhexmarta Soomaali. Sidookale Aanay U Sal Fududaan Doonin Siday Moodayaan. Sidaas Aawadeed Inaan Dabkaa Baxaya Damin Mooyee Hurin Lagu Darin.


Maraykan Iyo Daalibaan, Ruush Iyo Ukrayn Waa Tusaalaha Nool Ee Cadaynaya Inaan Awood Milatari Lagu Kala Adkaanin. Sidaas Aawadeed Reer Laascaanood Iyo Dawalada Soomaaliland Aanay Wiil Danbe Oo Soomaaliyeed Dhiigiisa Daadin


Cabdikarim M Cali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...