Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Laascaanood Iyo Kooxo Isku Bahaystay Kala Irdhaynta Shacabka & Dawladdooda
Laascaanood, - (HWN)-
Waxa wali kacsan xaaladda magaalada Laascaanood ee caasimadda Gobolka Sool ee
Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo shalay mar kale maalintii 7aad dadweyne
kacdoon samaynayaa isugu soo baxeen dhawr goobood oo magaalada ah kuwaasi oo
markiiba ciidamada ammaanku kala dareeriyeen balse ku qaylinayay sida ay uga
soo hor jeedaan dilalka qorshaysan ee magaalada Laascaanood ka dhacayay in muddo
ah.
Wararkii ugu dambeeyey
ee naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanood waxa ay sheegayaan in xaaladdu mar
kale shalay kacsanayd inkasta oo galinkii dambe iyo xalay xaaladdu nabad galyo
ku soo laabatay haddana wali waxa kacsan xaaladda magaaladaasi waxaana markale shalay galinkii hore dib uga
billowday dibadbaxyo ay dhigayaan qaar ka mid ah shacabka magaalada
Laascaanood.
Dibadbaxayaasha ayaa ku
qeylinaya erayo ka dhan ciidamada iyo dawladda Somaliland ee ku sugan halkaasi,
waxayna dalbanayaa inay isaga baxaan magaalada. Balse dibad baxayaashaasi waxa
si nabadgalyo ah u kala dareeriyey isu soo baxyadii shalay mar kale ka
bilaabmay magaalada. Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa shalay qaadday tallaabo kale oo ay doonayso in ay ku
xakamayso xaaladda taagan, waxayna gebi ahaan hawada ka saartay khadka
Internet-ka ee magaaladaasi, waxayna isku dayeysaa inay xakameyso xaaladda oo
shalay markii dambe qabawday.
Ciidamada ammaanka ayaa
gaaf wareegaya magaalada si ay u sugaan nabad galyada taasi oo keentay in ay
dib u furmaan meheradaha ganacsigu iyada oo masaajidada iyo goobaha dadku isugu
yimaad Bulshada loogu baaqayay in ay si xakameeyaan oo xaaladda la dejiyo iyada
oo ay dhinaca kale magaalada ku sugan yihiin wasiirro iyo xildhibaanno ka
tirsan golayaasha qaranka kuwaasi oo Gobolka Sool u jooga xasilinta ammaanka
iyo sidii magaalada loogu soo dabbaali lahaa xaaladdeedii hore.
Dhinaca kale waxa wali
magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho laga abaabulayaa kacdoono iyo guubaabo lagu
kicinayo shacabka Laascaanood oo ay kooxo gaar ahi doonayaan in ay shacabka
Gobolka kaga hor keenaan xukuumaddooda. Kulamo lagu qabtay Huteello ku kala
yaalla magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho kooxo abaabulan ayaa waxa ay ka
wadaan abaabul ka dhan ah Somaliland iyada oo warbaahinta maamuladaasina si
weyn u buunbuuninayaan xaaladda Laascaanood oo ay dunida ku tusayaan goob
Somaliland xoog ku qabsatay.
Waxgaradka iyo
aqoonyahanka gobolka qaar ka mid ah ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqaya in
looga baahan yahay in ay xaaladda dejiso si deg deg ahna wax looga qabto
dilalka ku soo noqnoqda Gobolka ee ay sida dhuumashada ah u gaystaan kooxaha
nabad diidka ah ee halista ku ah ammaanka iyo wada noolaanshaha shacabka
Somaliland.
Foore