7 Caado Oo Yar Yar Dib Ugu Habee Caafimaadkaaga 2023

0
Monday January 02, 2023 - 10:21:41 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    7 Caado Oo Yar Yar Dib Ugu Habee Caafimaadkaaga 2023

    Caadadee Baad Is Leedahay Joogtee Isla Sannadkan?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caadadee Baad Is Leedahay Joogtee Isla Sannadkan?



1. Mudnaan sii hurdada; waxaa badan in qofku maalin oo dhan aanu wax hurdo ah arag, waa sida adoo fisha in mobile kaagu ku shaqeeyo 12% maalinka dhan. Jidhku wuxuu u baahanyahay nasiimo uu ku soo kabto sidoo kale uu ku qabto hawl muhiim ah ama ku barto shay cusub ama ku weeleeyo xasuusaha.


2. In badan soco; socodka joogtada ahi wuxuu kaaliyaa nidaamka difaaca jidheed, wuxuuna dhimaa xanuunka kala goysyada sidoo kale wuxuu jaangooyaa miisaanka qofka.



3. Akhri 30 daqiiqo; akhrisku waxa uu quudiyaa maanka, waxaa jirta daaraasad sheegtay in quusida buug/kitaab ay u soo kordhiso caafimaadka maskaxdaada laba dheefood, dheef balaadhan iyo mid kooban, hadaba 30 daqiiqo akhri maalinkii oo ku darso caadooyinkaaga maalinlah ah.


4. Cibaadayso; karkabada (stress) waxaa yareeya cibaadada iyo in uu qofku rabigiis la wadaago dhibaatooyinkiisa iyo wax yaabaha ka walbahaarinaya, cibaadada koowaad waa salaada waana mida hadii aad toosiso, khushuucdo, isu bandhigto rabigaa ay kaa hadhayaan xanuunada maskexeed, jidheed iyo kuwa ruuxeedba.


5. Wakhti gali dadka aad jeceshahay; haddii aad raadinayso caadooyin caafimaad qaba ood ku dareento farxad badan sannadkan curtay, la joog dadka kuwa aad jeceshahay. Xidhiidhkaaga bulsheed ayaa wax weyn ka tari doona kor u qaadida niyad-samaantaada.


6. Ka naso electroniga; Mobileka, compiterka, televisionka... hadii aadan miisaamin qaab adeegsigooda ood ku talaxtagto waxaad ka dhaxlaysaa caafimaad darro maskexeed iyo mid jidheedba. Hadaba yaree adeegsigooda oo ku darso caadooyinka isla sannadkan aad unkanayso.


7. Samayso caado cusub; maskaxdeenu waxay doontaa mar walba wax hor leh, samaysashada caado cusub sida in caado xun ood lahayd aad ku badasho mid wanaagsan, midaa wanaagsan joogtaybteeda ayaad ka helaysaa caafimaad maskexeed iyo mid muuqeedba.


Caadadee Baad Is Leedahay Joogtee Isla Sannadkan?


Xigasho: Goof

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...