Godka Lagu Janne Muuse Biixi Isagaa Siyaasadda Ka Saaray Cigaal, Waxaana Ku Soo Celiyay Siilaanyo
Madaxweyne Cigaal 1993-kii, markii la doortay raarta wuxuu soo gashaday Kooxdii
SNM ee saraakiisha ahayd, Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa Madaxweyne ku-xigeen
u noqday, Muuse Biixi ayaa Wasiirka arrimaha gudaha u noqday, Dayib Guray ayaa
Wasiir Ganacsi u noqday. Marka laga tago Maxamed Kaahin iyo Ibraahim Dhagawayne
intii badnayd sarakiishii SNM xilal ayuu u dhiibay, khibrad iyo casharo ayuu ka
laha, mar Dadka ayuu tusaayay, marna in Ciidanka iyo xilalka siyaasiga ahi kala
dhumuc iyo maamulid ballaadhan yihiin ayuu baraayay. Musue Biixi qaybtaas ayuu
kamid aha, 2-sanno ayuu Xilka kaga qaaday markuu hayay, markii uu ka qaaday
Muuse Biixi banaanka ayuu Hargaysa uga baxay, kadib odayaal uu hoggaaminaayo
Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ayaa ergo ugu tagay Maxamed Xaji
Ibraahim Cigaal iyagoo Madaxweynaha ka codsaday inuu xilka Wasiirka arrimaha
gudaha ku celiyo Muuse Biixi.
Cigaal siyaasi mawjad ah oo qotadiisa dubaladeed gun dheertahay ayuu aha
Alle hawnxariiste, wuxuu yidhi "Inanku waa Inankagii haddu xilka aan ka
qaaday dib u qaadanaayo hadda ayaan magacaabaya ee waydiiya". Waydiinay oo
wuu qaadanaya ayaa la yidhi, Intuu Galinkii hore magacaabay ayuu kii Danbe ka
qaaday... In aanu Muuse Biixi siyaasi ahayna wuu xaqiijiyay, waayo Madaxweyne
xil ka qaaday u jeedadii uu kaga qaaday ayaa nool macquul maha inuu haddana
isla markiiba dib kugu magacaabo. Waa halka ay ku soo baxday "Waa
Rafadkay Rafanaysay". Muuse Biixi Cabdi markii Cigaal alle hawnaxariiste
waqcadaas ku sameeyay qalbada ayaa jabtay, Dagaal waxba lama hadhin, Intase
tariikhda haysa ayaa hayse Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ilaa jifadiisa hoose
ayuu ka ka xaystay oo uu cid ka waayay .
Waa markay Wasiir Daakhiliga noqonayaan Axmed Jaanbiir Suldaan iyo
Ismaciil Shaqalle oo Taliyaha Ciidanka Qaranka noqonaaya iyo Jiilkaasi... Muuse
Biixi ayuu meesha kaga saarayay Cigaal, waa xilliga uu Muuse Biixi leeyahay
"Ma maanta ayaad awoodi ku soo koobtay in Suldaan idin wada xukumo, kkkkk
"Daakhiligii Taliyhii Ciidamadda, Xaakimkii " waa marka uu sidaa
leeyahay .. Muuse Biixi Geelisa ayuu raacday, gabi ahaanba Siyaasadda banaanka
ayuu ka dhigay Cigaal, intii ogayd ayaa ogayd halkaas iyadoo maraysa ayuu Cigaal
unkay nadaamka Axsaabta badan (Xisbiyada) UDUB ayuu ku dhawaaqay, Dr. Cabdi Aw
Daahir ayuu Xoghayihii Guud uga dhigay isla markaana ahaa Wasiirka Caafimaadka,
Cali Warancadde oo isku waday jagada Xoghayaha ayaa muraaladilaacay, waa
sababtii uu kaga baxay Xukuumaddii Cigaal, furidii ururada siyaasadda
ayaa ragg badan oo buulka ku jiray qoorta la soo kaceen, Ururkii SAHAN ayay
isku uruursadeen ragg ay ka mid ahayeen Muuse Biixi, Cali Maxamed Warancadde,
Alle hawnaxariste Maxamed Cabdi Iskeerse, oo dhammaantood ay Madaxweyne Cigaal
isa soo seegeen, waxaa Guddoomiye u noqday Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Jiir
oo wali ku jira Golaha Wakiilada. Muu tisqaadin SAHAN markii hore markii
danbena Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waddo cad ka mariyay Muuse Biixi Cabdi.
Isagoo barakace siyasadeed ah ayuu u gacan haadiyay Axmed Maxamed Siilaanyo oo
KULMIYE markaa hawada galiyay, ragg dhalinyaro u badanaana haysta, Jabhadii SNM
way ku yarayd aasaaskii KULMIYE, dhalinyaro saxad ku cusub oo Dr. Axmed Xaashi
Oday ugu wayn yahay oo Cigal Aagaasime u soo noqday, Cabdicasiis Maxamed
Samaale, Maxamed Iid Dhinbiil ragg nocaas ah ayuu hastay KULMIYE SNM Daa'uud
Maxamed Geele alle hawnaxariisto oo Xoghaye Guud noqday iyo Cali Guray ayuu ka
haystay . Muuse Biixi sidaa ayuu Siilaanyo siyaasadda ugu soo celiyay balse
Cigaal wuu ka saaray ..
Ilaa uu Madaxweyne noqdayna Axmed Siilaanyo ayaa madaxa dadka ka saarayay, waa
halka ay ku kala tagayaan Siilaanyo iyo Cigaal xagag siyaasadda, waayo
Siilaanyo Muuse wuu fahmi kari waayay inuu Dalka dan u yahay iyo in kale
Cigaal-se wuu fahmay .. Mida labaad Axmed Siilaanyo quwada Muuse Biixi ayaa
alle tusay, xooga ayuu isugu hagaajistay Axmed Siilaanyo intii ayuu
Madaxweyne kaga helay ammaantana Muuse Biixi waan u haya bac-bacdiisi kaga
helay kursigii siday doontaba ha noqte hadalbaase ka danbayn oo hoggaaminta iyo
helida kursigu waa kala gaar..
Hadalkaa dheer waxa iga keenay weedhi Madaxweyne Muuse Biixi ee ahayd Cigaal
ayaan Dalka ka qabtay oo ka badbaadiyay..
Tusan ..
Muniir Axmed Cigaal..