Dalalka Qorsheysan Ee Magaalada Laascaanood Ka Dhacaya Yaa ka danbeeya?

0
Saturday December 31, 2022 - 11:05:48 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Qorsheysan Ee Magaalada Laascaanood Ka Dhacaya Yaa ka danbeeya?

    Musiibada iyo dhibaatada aad qarsatanaa way ku qarsataa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musiibada iyo dhibaatada aad qarsatanaa way ku qarsataa.



Laascaanood ma waxa lagu dilaa dadka Somaliland taageersan?

Mise dadka Somaliland ka soo horjeeda?

Maxaa dilalka qorsheysani Laascaanood uga dhacaan?

Yaase ka danbeeya?



Maxaa loo qaban kari waayay dilalka 15-kii sano socda?

Hadii xukuumada Somaliland ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato.

Maxay dadka reer Laascaanoodwarbaahinta u hor iman waayeen oo uga warami waayeen dilalkanqorsheysan? ?


Iyo cidda ay ku tuhunsan yihiin in ay ka danbeyso?

Ma raali ayay ka yihiin dilalkan qorsheysan?

 

Su'aalahan iyo qaar kale oo badan ayaa u baahan in reer Laascaanood ka jawaabaan.

Waxaynu wada ognahay in ay


MAFIA-DA HUBKA ee gobolka (East Africa) oo dhan

Ay tahay Laascaanood SAYLADA HUBKA lagu kala iibsado .

Oo ay degen yihiin ganacsatada hubka ee geeska afrika.

Waxaynu wada ognahay in madax badan iyo xubno oo ururka argagixisada ah ee alshabaab ay degen yihiin magaalada Laascaanood.


Waxaynu ognahay in ay dilalkan qorsheysan ay argagixisada iyo

MAFIA-da HUBKA ay layso cid kasta oo ay ku tuhmaan ama uga shakiyaan in ay ka war bixisay oo ay maamulka Somaliland u gudbiyeen arrimahooda.

Waanaynu ognahay in qurba joog badan oo reer Laascaanood ah iyo maamulka Soomaaliya iyo Puntland ay lacag ku bixiyaan


Sidii reer Laascaanood iyo dawlada Somaliland ay colaad u kala dhex dhigi lahaayeen .

Waayo? Somaliland waxay ku faaantaa oo ay beesha caalamka ka iibisay

( waxaanu haysanaa nabadgelyo iyo xasilooni)

Markaa cadawga Somaliland


waxay tusayaan beesha caalamka in nabadgelyo darro ka jirto gobolka sool iyo Somaliland.

Shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dhulbahante ( ururka scc iyo khaatumo) ku shireen

Waynu la wada soconay .


Diiwaan gelinta ka bilaabantay gobolada Somaliland oo dhan .

Iyadana dad gaarah iyo cadawga ka soo horjeeda Somaliland ayaa doonaaya in aanay Diiwaan gelintu ka qabsoomin Laascaanood (Sool) .


Hadaba waxa hubaal ah in gacan shisheeye dilalkan qorsheysan ku lug leedahay .

Oo ay ogyihiin oo ay garanayaan reer Laascaanood dadkan dilalkan geysanaaya iyo sababta ay dilalkanu u dhacayaan.


Laakiin ay baqanayaan in ay ka hadlaan oo sheegaan .

Markaa cidina waxba kama qaban karto


Hadii aan shicibkii reer Laascaanood aanay la shaqaynayn hay'adihii amaanka ee magaalada Laascaanood.

Oo aanay ku kalsoonayn maamulka Laascaanood ee xukuumada Somaliland.


Musiibada iyo dhibaatada aad qarsatanaa way ku qarsataa.


Dilalkan qorsheysani way soconayaaan ilaa iyo inta ay reer Laascaanood la shaqeynayaan laamaha amaanka oo ay ka waramaan cidda ka danbeysa dilalkan.

Waanay ogyihiin reer Laascaanood.

Waxba yaanay mudaaharaadin oo Boodhka isku qarinin.


 

 

Cali Maxamed Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...