Silica Derbi-Jiifta Heysta iyo Dhibaatooyinka.

0
Saturday December 31, 2022 - 10:52:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Silica Derbi-Jiifta Heysta iyo Dhibaatooyinka.

    waqtigaa i haraatiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waqtigaa i haraatiyey


Waayadii aan dugsiga dhexe ku jirey waxa maadada Af-somaliga ku jirtay "Curis" lagaga hadli jirey dhibaatada darbi jiifta, iyo silica ay ku nool yihiin. Curiskaa oo ciwaankiisu ahaa "Cali Qaawane" waxaan dhab u xasuustaa.


 

-waqtigaa i haraatiyey

-waxaan huwadaa cirka

-waxaan gogladaa dhulka.



 

Dadka dunida ku nool waxa ay isku raacsan yihiin in nolosha aas-aaskeedu yahay helida saddex shay oo kale ah [ cunto, cabid iyo hoy la galo]. Sadex qofka hela ayaa raadin kara nolol, waxbarasho iyo meelo kale oo hiiraal fog.


 

Eebe weyne qofku marku intaa isla helo ayuu cibaada faraa oo waxaana tusaale inoogu filan, suurada 107aad ee quraanka kariimka.


 

بسم الله الرحمن الرحيم

لِإِيلافِ قُرَيْشٍ

إِيلافِهِمْ رِحْلَةَ الشِّتَاءِ وَالصَّيْفِ

فَلْيَعْبُدُوا رَبَّ هَذَا الْبَيْتِ

الَّذِي أَطْعَمَهُم مِّن جُوعٍ وَآمَنَهُم مِّنْ خَوْفٍ.


 

Qofku intu gaajada hayso diinta islaamku waxay ogoshay wixii xaaraanta ka ahaa inay u banaanyihiin sida bakhtigii oo kale i.w.m. waxa kale oo iyana aan la iska indhotiri karin sida fiqiyada islaamku ay u adkeeyeen qof tuug ah hadii lasoo qabto in la baadho inay gaajo haysay iyo inkale, waxay culimadu isku raacsan tahay hadii ay gaajo hayso in aanu ciqaab lahayn qofka noocaas ah.


 

Waxaan arkayey barbaraawi oo yidhi [inta derbi-jiifta, dhar ay dhaxanta ka huwadaan la siinayo maa wax la baro, kaas waxaan leeyahay adigu waad dheregtay oo ma dareemaysid wuxu maanta dareemayo wiilkaa yar ee gaajadu hayso ee ummada qaybtan xishood kaliya ayey kaa rabaan.


 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...