Ciidanka Bada Somaliland Oo Soo Saaray Digniin & Sababta
Digniin.
Taliyaha Ciidanka guud
ee Ciidanka Ilaalada xeebaha Jsl Admiral Axmed Hurre Xaariye waxaa uu digniin
udirayaa kaluumaysta iyo cidkasta oo ka-ag dhow xeebaha dalka inay la socdaan
kana taxadiraan meelaha dooxyada iyo badaha dalka iyo aagaga ay dooxyadu badda
ka galaan taasi oo laga yabaa ina todobaadka soo socda maalaha ku beegan Axada
, Isniinta iyo salaasada ay ka da'aan roobab xoogani dhimaca badda kuwaasi oo
wata dabaylo sida ay sheegtay saadasha dhinaca badda iyo ciidanka xeebuhu
kuwaasi khasaare sababi karta .
Sidaa daradeed
kaluumaystada iyo dad ka shaqeeya dhinaca iyo dadka kulaalaya ama deeganka u ah
xeebaha dalka inay iska jiraan maalmaha aanu kor kusoo sheegnay oo xaqiijiyeen
khuburada ciidanka ilaalada xeebaha ee dhinaca saadasha hawada iyo baduhu,
taasi oo laga cabsi qabo inay gacanta cadmeeda ka da'aan usbuuca soo socda
dhamaan xeebaha Somaliland kuwaasi oo kasoo bilaabi doona sida ay saadashu
sheegtay xeebaha dhinaca beri ee somaliland gaar ahaana xeebaha Gobolka Sanaag
.
Warbaahinta Ciidanka Ilaalada
xeebaha Jsl .