Musharax CIRRO Oo Si'adag Uga Hadlay Shacab Laascaanood Lagu Layaayay
Hargaysa (HWN) Musharax
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si adag uga hadlay dad ay shalay xukuumada Muuse Biixi ku laysay
Laascaanood xili dadkaasi ay ka banaan baxayeen muwaadin Laascaanood ay ku
dileen dad aan haybtooda la garanayn.
Musharax ciro Ayaan
sheegay in ay foolxumo ku tahay qaranka in iyadoo mayd uyaalo reer laascaanood
dadkale la laayo, sida uu Ciro ku baahiyay qoraal uu ku qoray Facebookga,
waxaanu qoraalkaasi ciro ku yidhi
"Waxa aa si adag u
cambaareynayaa falalkii waxashnimada ahaa ee ay Xukuumaddu shalay ka geysatay
Maagaalada Laasacaanood, wax la aqbali karo maaha in iyada oo aan wali gacan ku
dhiiglayaasha Haldoorka reer Sool gumaaday aan waxba laga qaban in hadana
Shacabka waxyeello soo gaadho isugu jirta dhimasho iyo dhaawac tiiyoo loo
adeegsanayo rasaas nool, waa arrin
foolxumadeeda oo qarankana laf-jab ku ah, in aanay dib u dhicinna aanu ka digeyno.
Xukuumadda wakhtigeedii
dhammaaday, waxa aan ugu baaqayaa oo looga fadhiyaa in ay Umadda reer
Somaliland iyo Shacabka Gobolka SOOL-ba ay si adag oo qoto dheer wax uga qabato
dilalkan soo noqnoqday ee Umadda indheergaradkeedii lagu beegsanayo, isla
markaana ay soo afjarto falalka amni darrada ee la caadeystay oo ay sugto
xasilloonida guud ee Gobolka.
Shacabka reer Laasacaanood,
waxa aan ugu baaqayaa in ay is xakameeyaan, nabadgelyada ilaalinteedana ka qeyb
qaataan, isla markaana meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo khakhal gelin
karo nabadda Gobolka."Musharrax Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro
Xukuumada Muuse
Ayaan ilaa hada gacanta ku dhigin cidii
ka dambaysay dilalkii ka dhacay Laascaanood, waxaanay udirtay laascaanood
masuuliyiinta dhalasho ahaan ka soojeeda Gobolkaasi, kuwaasi oo bulshada la
dhex tegay hadallo aan looga fadhiyan