2 hab oo akhrisku u caawiyo qoraalka

0
Tuesday December 27, 2022 - 11:51:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 hab oo akhrisku u caawiyo qoraalka

    Waa inaad waaya-arag ku noqotid akhriska .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa inaad waaya-arag ku noqotid akhriska .
Waayadan dambe dadku si bey u jeclaanayaan qoraalka, gaar ahaan xilliyadan mareegta bulshadu soo badatey.

Qof kasta wuxuu u hammuun qabaa inuu soo bandhigo fikradihiisa ama wixii dareenkiisa ka guuxaya.
Haddaba, sheeko wey dambeysaaye, haddaad dooneyso inaad ku wanaaagsanaato qeybaha aqoonta waa inaad mid kasta gaarkeeda u barataa. Haddaad rabto inaad dhigtid fiisikiska(physics), sow inaad marka hore aqoon u yeelid maaha? Waxa aan uga gol leeyahay, marka aad dooneysid in qoraalkaagu bilnaado , waa inaad akhriste noqotid .


Waa inaad waaya-arag ku noqotid akhriska .

Arrinta layaabka lihi waxa ay tahay in ay jiraan dad doonaya iney wax qoraan ama qoraa noqdaan balse, aan rabin iney wax akhriyaan!

Haddii aanad buugta dadka kale akhriyin, sidee baad u dooneysaa in qoraalkaaga la akhriyo?
Akhrisku wuxuu caawiyaa ama horumariyaa qoraalka. Hababka uu u caawiyo waxa ugu door roon kuwan:

1. Isbarbardhig
Haddii aanad waxba kaleba akhriyin sidee ayaa aad ku garan kartaa in waxa aad qortey wanaagsan yahay? Sidee ayaa aad u garan kartaa in hab qumman u qaabeysan yahay?

Sidee ayaa aad ku ogaan kartaa inuu yahay mid gaar ah?

Waanooyinka lagula taliyo qoraayada waxa ka mid: "qor buug aan wali la qorin". Waa saxe, sidee baad ku ogaan gartaa adiga oo aan buugta akhriyin in hortaa la qorey iyo in kale?

Waxa ugu xun waxa weeyi marka aanad akhriste aheyn ma samayn kartid isbarbardhid .
Ma samayn kartid qiimayn. Waxa aad qortey inuu quman yahay iyo qaloocan yahay!

2. Tixraac

Tixraacyada iyo xigashoyoonka(quotes) buugta kale, waxa ay faahfaahin dheeraad ku daraan waxa aad qoreysid. Haddii aad degaan ka hadleysid, haddii ay jilaaga(character) tahay iyo haddii ay wada sheekeysiga(dialogue) tahayba, waxyaabaha aad ka soo xigato buugta kale qoraalka wey naaxiyaan oo nuxur balaadhan ayay ku daraan; waxa qoraalka siiyaan aqoonsi .

Haddaba, haddii aannad akhriste aheyn, ma noqon kartid mid buugiisu nuxur wanaagsan leeyahay, waayo maba tihid mid qoraallo kale kasoo ergisan kara ileen ma tihid mid akhriya waxa dadka kale qoreen.
Ugu dambeyn, akhrisku waa furaha qoraalka siyaabo kala geddisana wuu u horamariyaa qoraalka. Hadda laba hab ayaynu kor ku sheegnay, balse boqolaal nooc ayaa jiri kara!

Akhris la'aan, waxa laga dhexlaa qoraal ka arradan tayo . Qoraaba qoraaga uu ka akhris badan yahay, ayuu ka qoraal wanaagsan yahay; taasi waa mid aan caad saarneyn oo u cad sida daqiiqda.

Waxa aan kusoo afmeerayaa, haddaad in uun rajo ka leedahay inaad QORAA noqotid, waxa lamadhaafaan ah

inaad noqotid AKHRISTE.

Waligaa haka tagin akhriska.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...