Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Liisankooddii Sharci Uu Dhacay

0
Monday December 26, 2022 - 19:51:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Liisankooddii Sharci Uu Dhacay

    Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Liisankooddii Sharci Uu Dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Liisankooddii Sharci Uu Dhacay



Hargeisa(HWN):-Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in Saddexda Xisbi qaran uu Liisankooddii Sharci dhacay.


Xisbiyadda WADDANI, UCID iyo KULMIYE ayaa la shaaciyay innuu Liisankooddii Sharci uu maanta kaga eg-yahay, isla markaanna ay ururro yihiin hadda wixii ka danbeeya inta ay Xisbi qaran oo Liisan Sharci oo toban sanno ahi soo baxayaan.

War-saxaafadeed kasoo baxday guddida oo warbaahintu baahisay, ayaa lagu sheegay in sharciyadii xisbinimo ee saddexda xisbi ay maanta ku egtahay, imika wixii ka danbeeyana laga rabo in saddexda xisbi ay raacaan sharciyadaha xiga.

"Waxaanu halkan si rasmi ah idiinku wargalinaynaa, in mudadii dhaqangalka saddexda xisbi ee Kulmiye, UCID iyo WADDANI ay ku egtahay maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, sida darteed waxaanu idin ogaysiinaynaa in aad fulisaan, ilaalisaana dhamaan waajibaadka ka dhalanaya dhamaadka mudada" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda.

Saddexda xisbi ee maanta guddidu sheegtay in uu ka dhacay liisankii sharci ee xisbinimo, ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeeda oo faah faahsan:-




Loading...
Loading...