Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Maanta Ka Furmay Muqdisho

0
Monday December 26, 2022 - 11:48:05 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Oo Maanta Ka Furmay Muqdisho

    Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka 4-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.


Shirkan ayaa Madaxdu waxay ku odroosayaan federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.



Sidoo kale, Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxay iska xog-wareysan doonaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed.


Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

May be an image of 1 person, sitting and indoor
May be an image of 1 person, sitting and suit
May be an image of 1 person and indoor
May be an image of 7 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 2 people, people sitting and indoor




Loading...
Loading...