Askartii Xaafad-Tooyadda Oo Wiish La Sare Kacay ( Abdi- Shotaly)

0
Monday December 26, 2022 - 11:25:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Askartii Xaafad-Tooyadda Oo Wiish La Sare Kacay ( Abdi- Shotaly)

    * N.B Cama Iyo Watiin Iyo, Waduxaati Oo Idil, Haday Igu Warejaan, Wal-bahaarku Ima Dhigo!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Cama Iyo Watiin Iyo, Waduxaati Oo Idil, Haday Igu Warejaan, Wal-bahaarku Ima Dhigo!



Waxa la yidhi qofka damiinka ah, far waaweyn baa wax loogu qoraa, oo qaansadda qar-qar-keedda baa loo saaraa hadalka iyo halka xaal maraayo, waayo ma fahmaayo ee waa in sidda farta Shiinaha ee burushka lagu qoro oo kale'e, sawir weyn loogu suntaa , ka il-dheer-garadka ahna, sarbeeb qarsoon baa lagula hadlaa, waayo aad buu u fahmo dheer yahay, meel fog buu wax ka ogaadaa, inta caqli gaabka ku qaadanaysa wakhti fara badan, isagu sidda eegmadda tukaha buu wax ku gartaa, waa-se iska nasiib iyo Habar iyo habeen-keed, bal hadda inta yar ee tusaalaha ah ila akhriya akhristayaal.



 

Somalidu afaf badan oo xayawaanku leeyahay bay taqaan, oo ay ku waraystaan noocyo aad u kala duwan, waxa ka mid ah bahasha la yidhaaho Xuunshadda, taas oo ay wax ku weydiiyeen Af-keedda ( Iyadu Ma taqaan Af-somaliga'e).


 

Su'aasha laga waraystay waxa weeye " Xuunshooy goor maad wax garataa?" Waxay ku jawaabtay " Waxan wax fahmaa ama gartaa " Marka dhagax i dhaafo, mid-na ag-taydda ku dhaco, ka sadexaad-na igu soo maqan yahay.


 

waxay sii raacisay,waxa ii sii dheer dhego cuslaan, waayo waxan maqli lahaa, marka ka hore i dul maraayo xuuf-tiisa. hadaba waxan u soo qaatay aan kuu dhaqaajiyo'e, in yar ii samir akhristaw adiga oo iga raaliya.


 

beeni soo dhamaatay, kuwa lagu maawili-naayo ( Ururo ku sheega) weeyee Doorasho Madax-tooyo baad gelaysaan, ee uu ka urursaday wixii yaraa ee ay isu keeneen, kuwaas oo khiyaali ku nool baa ka sii liita , ilayn waxay rumaysa-nayaan munaafaqan waalan, beenaalaha ah, weliba cuqdadda qaba, ee maryihii dhigtay markii la yidhi " Xirsi Xaaji Cali Baa Loo doortay Gudoomiyaha Xusbiga Waddani. Saw maaha qaar ah qar-is-xoor.


 

Sheeko-ba-sheeko bay keentaa bay somalidu tidhaah-daaye, waxa cayn-kaas ka dhigan, oo dhego culus, malaha indhahana aan si wacan wax uga arkayn, war-baahintana aan la socon, oo qulub luudaaya, askariga yidhaa wx baan maamulaa ee " Raggii ma adigaa ka hadhay" kaas oo aan ilaa imikadan aan qoraayo maqaalkan, weli aanay runtu u qudh-qudhsamin, ee cidla jaflay-sanaaya kana botorinaaya banaan giriyaad dhex-diisa ah, oo khiyaali iyo wax baad dhici kartaa isku maawelinaaya, moodaaya siddii Golahii dhexe ee Xusbigga qudhmiye Loogu jilib-xidhay, in uu isaga wax waliba uu iska leeyahay siduu aabihii ka dhaxalay, laakiin wuxu iska dhego maryaa, xaqiiqddii bay far waaweyn ugu qortay ummadu ( Sidda sheekadda damiinka aan sare ku soo sheegay) Iyo tabta xuunsha-daas aan la socon waxa hareera-heedda ka dhacaaya, buu ku indho daraan-daray, markuu dalkii baabi'iyey, oo meel uu wax qabto uu hadeer la'yahay, Imikana waxaa-ba uu noqday farsamadda sii faafisa dhul boobka qoys-kiisa, oo dadkii buu u sii qaybinayaa in ay sii kala qaadaan (Subxaana-llaahiye) kuwan eebbe ha inaga qabto, waa naf la caaridkii ugu dambeeyeye.


Qudhaanjooy naa quuso, Waad la socotaan, murtidda iyo xamaasadda ka taagan Muwaadiniinta uu doonaayo in uu ka soo hor jeediyo ummadda inteedda kale, oo si aan gabsho lahayn, badheedh ah, dhoolo-tus iyo run cadceedaas ka cad wax ugu sheegay askariga dhegaha la', kuna Yidhi " Uf Qabyaalad, Qaran Baanu Rabnaa, Ee Ka Quuso kursig" waxay aad ugu mahadsan yihiin Muwaadin-nimadda ay muujyeen goboladda galbeed oo askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximani" ay ku maali jireen reer hebel. Hawd, Saaxil, Sool iyo Goboladda Bari beri hore bay dhibiga u qortay.


 

wuxuu isku halaynaayey Galbeedka, kiina waa kaas ku yidhi ha na haybin, kuwaad mooday ma nihine. ummadu waa is-bedel doon. Suufiggii Ina Cabille Xasan ( The mad mulleh) baa markii uu Berbera ka cararaayey, ee uu arkay in aanay wax dambe u sii oolin, ee uu cagaha wax ka dayaayey yidhi " Cirka iyo dhulkii bays qabsaday, cadhadhaq-doodiiye, adiguba caqlaad leedahee, carar maxaa dhaama? Waxan uga dan leeyahay intan ugu dambaysa, maamulka " Xaafad-tooyadda" meel kuu fayoobi ma jirto, dalka siduu u dhan yahay, adigaana ka galabsaday Ummadda, oo waad xasuusan tahay, wakhti-yaddii abaartii, iyo siddii aad ugu dhega hadlaysay, sicir bararkii, cadaalad darradda, cabudhinta, macaluusha saamaysay ummadda, qabyaaladda aad dib u soo noolaysay, eexdda iyo gobolaysiga, markaa ka duuduubo, kana samir kursigan.


 

Nin baa wuxu yidhi, " In la kala tegay waan u taagnaa" Waxan uga jeedaa oo aan halkan idiinku qeeaxayaa, in Qudhmiye uu " Biishku Cunay" oo uu qaadaayo heestii Amina Cabdilaahi ee ahayd " Webi bay-la sare tegay, wadadiina ka ambaday, sidda weel dalooshamay, miyaa looga webiyaa, waanadi i dhaaftiyo, culimadda wanaagsani, Cama iyo watiin iyo waduxaati oo idil, haday igu wareejaan, wal-bahaarku ima dhigo" Waxan ku soo qoofalay maqaalkan isaga ah, riyo haddii ay dib leeyihiin, dabadoodda bay ku qarsan lahaayeen. Qudhmiye in aanu rajo lahayn, waxa kuugu daliilkii ah, Marwaddii koowaad ee Somaliland,


Marwo Amina Weris, ee iyadu ku abuurtay Qudhmiye gacan-teedda, baan hadh cad ka dhaqaadeen, golahii dhexe oo aan ka baxdeen, oo ka tashatay, tidhi yaan gabal kuugu dhicin, ee inta goori-goor tahay ka diga rogo, oo idiin banaysay kursiggii, Oday Siilayo-na ( Illaah Caafimaad ha siiyo'e), markaad buuqii ka dayn wayday, kaaga daadegay kursiggii, oo ah kii ina rag kaaga xidhay, si uu kuu tuso in aan cidi ku dooranayn, malaha waxad is lahayd waad ka eryootaye. Odaygu wuu kaa dumaalad dheer yahay, waxana uu si hoose kuugu sheegayaa halka lagaa taagan yahay, oo aanad helayn waxba, ee waanad qancayn dul iyo hoosba wax laguugu sheegye. iska naso oo qaad heestii "Ciil" ee qaraamiga ahayd, muraara-dilaac awggii.


 

* N.B Cama Iyo Watiin Iyo, Waduxaati Oo Idil, Haday Igu Warejaan, Wal-bahaarku Ima Dhigo!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...