Taiwan Oo Ku Waa Bariisatay Diyaaradaha Iyo Maraakiibta Dagaalka Shiinaha Oo Ku Hareereysan

0
Monday December 26, 2022 - 09:45:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taiwan Oo Ku Waa Bariisatay Diyaaradaha Iyo Maraakiibta Dagaalka Shiinaha Oo Ku Hareereysan

    "Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaadhay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaadhay"


 

Taiwan ayaa sheegtay in ay aragtay 70 iyo kow diyaaradood iyo 7 markab oo kuwa dagaalka oo Shiinaha laga leeyahay oo ku hareeraysan jasiiradda.

 

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in kani uu yahay mid ka mid ah duullaannadii ugu weynaa ee uu Shiinaha soo maleego.

 

Waxa ay sidoo kale Taiwan sheegtay in lixdan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah la arkay, iyada oo intaa ku dartay in afartan iyo saddex diyaaradood oo qaada ciidamada cirka oo Shiinaha laga leeyahay ay ka gudbeen khadka dhexe ee gacanka Taiwan muddo afar iyo labaatan saacadood gudohood ah.

 

Milateriga Shiinaha ayaa sheegay inay dhoollatusyo ka sameynayaan agagaarka Taiwan si ay uga jawaabaan waxa ay ugu yeereen daandaansiga Mareykanka iyo Taipei.

 

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay sharciga kharashka difaaca ee oggolaanaya ilaa toban bilyan oo doollar oo gargaar amni ah iyo soo iibsashada hubka ee Taiwan.

 

Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaartay, xilli xukuumadda Taipei ay ka walaacsan tahay "daandaansiga uga imanaya dhanka Beijing".

 

Xaaladda oo aan markii horeba hagaagsaneyn waxay cirka isku sii shareertay markii ay Nancy Pelosi booqatay Taiwan taas oo uu Shiinaha aad uga carooday.

 

Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta Shiinaha, booqashadii Nancy Pelosi ayaa noqotay mid khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida marin-biyoodka Taiwan.

 

Hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa mar sii horreysay sheegay inay qasab tahay in dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Taiwan.

Wuxuu tilmaamay in yoolkaas ay doonayaan inay ku gaaraan si nabad ah, balse shacabka Shiinaha ay can ku yihiin diidmada "kala qeybinta".

 

Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa in uu yahay dhul dalkiisa ka mid ah oo isku dayaya inuu go’o. Booqashada saraakiisha Mareykanka ee Taiwan wuxuu u arkaa in ay ka dhigan tahay mid muujinaysa taageerada madaxbannaanida jasiiradaas.

 

Hase yeeshee, Taiwan waxay leedahay dowlad-dimuqraadi ah oo u gaar ah, waxayna diiday sheegashada Shiinaha, iyadoo sheegtay in dadka kaliya ay go'aan ka gaari karaan mustaqbalka jasiiradda.

 

BBC


Loading...
Loading...