Talo Ku Socota Saladiinta Beesha Isaaq Ee Qaatay Shahadada Hashimyadda. Halaga Tasdiiqo.Urdun Hashymate Kingdom.

0
Sunday December 25, 2022 - 21:19:29 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo Ku Socota Saladiinta Beesha Isaaq Ee Qaatay Shahadada Hashimyadda. Halaga Tasdiiqo.Urdun Hashymate Kingdom.

    Waxa shalay oo taariikdhu ahayd Dec 24 2022 dalka sacuudi Arabia shaahaado lagu gudoonsiiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa shalay oo taariikdhu ahayd Dec 24 2022 dalka sacuudi Arabia shaahaado lagu gudoonsiiyey


 Saladiin,madaxdhawameed iyo wax garad ka soo jeeda Beesha ISAAQ shaahaado cadaynaysa inay yihiin Hashimiyiin ku abtirsada tafiirtii nebiga calayhi salaam.

 

Haddaba waxa jirto oo dhacda dad ka muslimiinta jacaylka nebiga ay u hayaan awgeed inay yidhaahdaan waxan ku abtirsanaa tafiirtii  Nebiga (CSS)reer binu Hashimi.Arinkaas Somalia oo keliya koobna ee Africa iyo Asia way jiraan dad sheegta tafartii nebiga(CSS).

 

Waxa haddaba arinkan ku cusibi waxa weeye SHAHAADA iyo AQOONSIGA la siiyey beesha Jinsiyad dal kale  iyadoo ay goob joog yihiin Suldaankii   GUUD ee BEELAHA ISAAQ I iyo Suldaan XASAN  iyo salaadiin kale.

 

Waxa haddaba Iswydiintu tahay Shahaadada Hashimyadda ma dawladda Sacuudiga ayaa bixisay.mise urur mise Sheekhul Qabiil.haddaba cid  bixiysaba waa arin culus oo aan la dhayalsan Karin.

 

Haddaba waxan saladiinta iyo cuqaasha shahadadan la gudoonsiiyey kula talinayaa inay shadaadan HASHIMIYADDA  KA soo TASDIIQAAN BOQORTOOYADA HASHIMYIINTA EE URDUN SI ay SHAHAADADU HASHIMYADDI U XALAALOWDO.

 

BOQORTOOYADA HASHIMIYADDA URDUN oo kaliya ayaa aduunka ka joogta  tafiirtii reer Binu HASHIM.Arimaha ku saabsan tafiirtii reer Binu HASHIM iyo cidda Shaahaado la siinayo waxan filayaa Ina anay jirin meel kale oo loo dhafaa.



BOQORTOOYADA SACUUUDIGA  kuma abtirsato HASHIMIYIIN waxa sameeyey Ingiriiska oo uso wakiishay Lawrence of Arabia qarnigii hore oo ku guulaystay in uu sameeyo boqortooyada ALSACUUD .Waxanay inqilaabeen Shariif Xuseen oo Xijaas oo dhan xukumay wakhtigii khilaafadii Cusmaaniyiinta.

 

Shariiif Xuseen waa HASHIMI waa a Awoowgii Boqorada iska dhaxlay BOQORTOOYADA HASHIMYADDA URDUN ee Laga Sameeyey Trans jordan.

Sida taariikhda ku hayno BOQORTOOYADA SACUUDIGU kuma Abtirsato HASHIMIYIIN.

 

Mana soo dhaweyaan dad sheegta HASHIMIYIIN.Xirrirkooduna ma Fiicnayn laba boqortooyo ila Biliwgii.Sidaa awgeed ma Filayo inay xukumadda SACUUDIGU arinkan Shahada Hashimyadda inay  ku lug leedahay.Hadii aanay ujeedooyin qarsoon oo kale ka lahayn.

 

TALADA SULDAAN DHAWAL SULDAANKA GUUD EE BEELAHA DIR.

2018 wax yar ka dib markii uu talada la wareegay raysal Wasaare Abiye Ahmed ayaa Shir lagu Qabtay Hargsysa iyo Addisaba lagu soo casuumay madax dhaqmeed ka kala socdaa BEELAHA DIR.Waxa  kale oo shirka ka soo qayb galay Abagadhayaal Oromo ah oo la doonayey in Iskaashi iyo xiriir cusub ay  yeeshaan Somalida iyo Oramadu madaama ay taladii dalka la wareegeen Oramo markii u horaysay.

 

Suldaan Dhawal hallkaas ayaa loogu doortay SULDAANKA GUUD ee DIR

Haddaba madaama arinkan HASHIMYADDU soo kordhay waxa Suldaanka looga baahan yahay  inu ka hadlo oo  Talo ka soo jeediyo madaama ay saamayn ku yeelan doonto xiriirka BEELAHA DIIR iyo BEELAHA kale ee Somalida ah.Gaar ahaan Nidaamkii 4.5 ka ee dhinaca Somalia wax lagu qaybsan jiray.

BEELAAHA ISAAQ EE SOMALILAND WELI ARINKAN JAWAAB KAMA AY BIXIN MARKA LAGA REEBO

 

BOQOR RAABI OO GARXAJIS  ah isla Markaa a gudoomiyaha BEELAHA DIR ayaa si cad u diiday HASHIMYADDA isagoo si cad u sheegay in BEELAHA ISAAQ  yhiin DIR AB IYO ISIR SOMALI.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...