Dumarku Tolow Shifada/Cilaajka Maxay Ugu Badan Yihiin?
Inta badan shifooyinka waxaa u badan dumarka. Markaad u fiirsatid calaamadahooda waxay u badan tahay diiqad ; niyad jab (Depression).
Laga yaabee inay hooyo tahay guurku ka xumaaday oo ilmo lagu furay aan lala korin waayaha adduunka iyo duruufaha adagna la daalaa dhacaysa; wax fiicanna aan gacanta ku haynin.
Laga yaabee inay tahay mid oday leh lkn ninku ku xumaaday; saacad kasta qaylo; canaan iyo bahdil joogtaa kala kulanta. Ogow xaaskaaga; dhaqaalaha Allaa baxsha lkn adigoo sabool ah oo hadyad iyo ka farxin aan u awoodin; markaad misana hadalkii fiicnaa inta u quuri weydid aad wax kasta canaan iyo xaqirid ugu beddesho; waxaa hubaala niyad jab iyo isku buuq midka ugu daran inay waajaheyso.
Nebigu NNKHA wuxuu yiri "Hadalka wanaagsanu waa sadaqo"
Gabadha niyad jabsan waxaa la soo dersaya walwal; isku buuq maskaxeed oo ah baahiyaha badan ee Aabbe iyo hooyaba ay keligeed ku tahay ee la rabo inay ayadu daboosho.
Tani waxay ku keenaysaa in arrimahaan iyo kuwo ka badaniba la soo dersaan:
(1). Murug badan; farxad la'aan
(2). Inay walwalka badan dartiis cuntada uga go'do; taasuna ay nafteeda dhib u keento.
(3). In hurdo xumo ku dhacdo
(4). In dabeecadeedu is beddesho oo xataa ilmaheeda u adkeysan weydo hadday wax su'aalaan.
(5). Inay si ay isu mashquuliso bal ugu yaraan si walwalka badan isu hilmaansiiso ay ku walafto isticmaalka social mediayaha tiktok; facebook iwm.
Qofka dumar ah ee saas u xanuunsan dabcan waxay u baahan yahay in la daaweeyo in la garaaco uma baahna.
See loo daaweynayaa marka. Labo hab baa ugu muhiimsan daaweynta xanuunnada ku dhaca maanka , marka loo tago dhaqtar cilmiga bartay ( Psychiatrist) : La talin (si hadal ah loo daaweeyo) iyo daawo u qoris.
In qofku qur'aan dhegaysto caadona ka dhigto muddada uu xanuunka dareemayo; waxa ay si dhab ah uga mid noqoneysaa daaweyntiisa; maxaa yeelay Qur'aanka ood dhagaysatid waxaa lagu helaa xasillooni; waxaanu hoos u dhigaa welwelka; waswaaska maskaxda ka dhex guuxaya iwm.
Qur'aanku inuu keeno xasillooni waxaad ku garan kartaa ilmaha yari hadduu ooyo oo kaa seexan waayo oo aad qur'aan u daartid; modekiisu waa is beddelaa wuxuuna dareemaa degganaan waana gam'aa amminkaba.
Qof kastaa waa tijaabin karaa; haddii hurdo xumo ku hayso Qur'aan daaro agtaada dhig; dhegayso waxaad is arkaysaa daqiiqadood ka dib adigoo jawi hurdo galay.
Inta badan waxaa qofka hurdada u diida waa isla sheekaysi iyo walbahaar maskaxdiisa ku furan; qur'aankuna taasuu u beddelaa mid hoos loo dhigo ka dibna qofku qofkiisii hore ku soo laabtaa saasna ku seexdaa.
Laakiin adigoo niyad jabsan; u baahan in lagu seexiyo, buuqa ilmaha lagaa dhawro; hadallo macaan iyo naxariis iyo niyad dhis laguu sameeyo; maxaad u maleyn haddii lagu dhex geeyo meel ay ka daaran yihiin sameecado waaweyn; dhawr boqol oo qofna joogaan. Waa sheeko kale!!!!!!!
Qofka jirradaan ama niyad jabku haleelo hadduu qof wax akhriyi kara yahay; ugu yaraan wax ha baaro oo isagu ha is daaweeyo. Sidee??
(A). Alle ku xirnow wax kastoo kugu dhaca dhib iyo dheef Alle u celi in usagu kuu gartay; taas macnaheedu maahan ha dedaalin saad uga bixi laheyd dhibka ; lkn yuu kugu abuurin walwal iyo isku buuq maxay saani iigu dhacday keligay iwm. Duceyso mar kasta!!!
(B).Exercise samey sida lugeyn si ugu yaraan isla hadalku kaaga yaraado intaad hawsha socodka ku jirtid; hadhow markaad soo laabatidna aad horay ka seexatid ileyn murqahoo dhan baa ku daallane.
(C). Ku noolow maalinkaas aad joogtid iska illow cabsida berri aad ka qabto tolow maxay noqon iyo shallaytada wixii shalay kaa qaldamay. Waxaasu midina tagtay midna lama gaarin; maantaad nooshahay just keliya umuurahaaga ku ekay maalinkaas, Eebbana talo saarso.
Waxaa hubaal ah arday noqo; ganacsi yar hayso; shaqaale kale noqo; haddaad maalinkaaga si miro dhal ah uga faa'ideysid in berrida aad ka fekeraysidna ay ka sii wanaagsanaan doonto.
W/Q: Cabdicasiis Siciid Bootaan, Garoowe, Puntland of Somalia
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!