Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Amray In Lala Xisaabtamo Shaqaalaha Aan Shaqada Iman

0
Sunday December 25, 2022 - 08:42:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Amray In Lala Xisaabtamo Shaqaalaha Aan Shaqada Iman

    "Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir"

 


Ra’iisul Wasaaraha Xamxa Cabdi Barre oo kulan muhiim ah maanta la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda, ayaa amray inay la xisaabtamaan shaqaalada dowladda ee aan shaqada soo xaadirin.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay sheegay in shaqaalaha dowladda oo dhan 5,000 ay shaqada kasoo galaan kaliya 1,500, taasi oo u dhigantay 30 boqolkiiba.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta faray agaasimayayaasha ilaalinta wakhtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha, iyadoo agaasime walba laga rabo kormeer joogta ah in uu ku sameeyo howlwadeennada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, soona gudbiyo ciddii aan gudan waajibaadka ay u hayaan qaranka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

 

"Xukuumadda Dan Qaran waxaa loo idmaday barnaamij ka kooban lix tiir oo ay horgeysay baarlamaanka iyo balanqaadkii ka danbeeyey ee aan kala saxiixanay wasiirrada, cidda fulintiisa laga sugayo waxaa ugu horreeya idinka, maadaama arrimaha maamulka aad madax ka tihiin, waxqabad natiijo leh ayaan idinka sugaynaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Agaasimeyaasha in ay si hufan oo caddaalad ah kula dhaqmaan howlwadeennada ay madaxda u yihiin, kana soo dhalaalaan shaqooyinka ay dalka u hayaan.

 

VOA


Loading...
Loading...