Israa'iil ( Yuhuudu) Ismay Waydiin: Maxaynu Falastiinta Ka Yeelnaa Haddii Aynu Dawlad Ka Samaysano Falastiin?

0
Saturday December 24, 2022 - 10:18:48 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil ( Yuhuudu) Ismay Waydiin: Maxaynu Falastiinta Ka Yeelnaa Haddii Aynu Dawlad Ka Samaysano Falastiin?

    Xaggay ku wada noolaan karaan dunida?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaggay ku wada noolaan karaan dunida?



Markii ay israa'iiliyiintu (Yuhuudu) samaysanayeen dawladnimada ee ay shirarka iyo aasaaska dawlad ay leeyihiin ay Falastiin ka sameystaan.


Ismay waydiin marka ay dalka qabsadaan wixii ay ka yeeli lahaayeen dadka falastiin-ta ah ee dalkaa degen ee dowladda ku leh .



Wax hadal ah kamay yeelan iyo qorshe . Qorshahoodana kumay darsan.

Ismay waydiin dadkan dalka degen wixii ay ka yeeli lahaayeen.

Su'aashaasu way seegtay,xisaabtana kumay darsan.


20-kii sano ee qarnigii 19-aad ugu danbeeyay ayay ururka Sohyooniyada ay u ololeeyeen in ay dalalkii ay degenaan jireen taariikho hore ay qabsadaan oo ay falastiin iyo Urdun iyo Siinaa ka mid tahay iyo meelo kale oo Bariga dhexe ka mid ah.


Ay ku noqdaan oo ay dal ay leeyihiin ka samaystaan.


Ururka Sohyooniyada waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq hubaysan iyo qeyb siyaasadeed oo uu hogaaminaayo Theodor Herlz 1881- kii oo u ololeeya in ay ka dhaadhiciyaan beesha caalamka iyo awoodihii jiray in lagu taageero in la siiyo oo wax lagala qabto,


Sidii dalkaa loo siin lahaa ee loogu wareejin lahaa ee wax loogala qaban lahaa ee ay dawlad uga sameysan lahaayeen dadka falastiin.


Ururka dhaqdhaqaaqooduna waxa uu ka bilaabmay dalka Russia1871-kii oo waxa uu ku hawlanaa Sidii uu dadka Yuhuuda ah ugu soo dhoofin lahaa ee u keeni lahaa dalka falastiin ( si xad dhaaf ah ayay ugu soo qulqulayeen falastiin) iyaga ( dadka Yuhuuda ah) oo dalka Russia iyo Poland iyo dalal kale oo badan ka soo haajiraayay.


Dalkii falastiin ayay dhul badan ka iibsadeen oo degeen.

Waxa ku kelifay dadka Yuhuuda ah in ay dal yeeshaan


Iyaga oo ku noolaan kari waayay dalalkii ay degenaayeen oo cunsuriyad iyo cadaalad daro iyo cadaadis iyo dulmi badan ay kala kulmeen iyo dilal iyo xasuuqyo loo geysto oo laga eexdo oo aanay umadihii ay la degenaayeen wada noolaan kari waayeen oo ay cadaadis badani kaga yimi dhinaca diintooda.


Yuhuuda caalamka oo dhan waxa ka dhexeeya diin qudha iyo af qudha iyo dhaqan qudha iyo saqaafad qudha iyo taariikh dheer.


Waxay iswaydiiyeen

Xaggay ku wada noolaan karaan dunida?


Waxay isla soo qaadeen dalka Argentine- sinaa- East Africa- qudus .

Waxay markii danbe isla qaateen in ay falastiin qaataan oo kuligood lagu soo jiidan karo in ay yimaadaan ARDUL MIICAAD .


Dhulkii loogu balan qaaday.

Waa sida Tawraada ku qoran (kitaabkooda) .

Sidaas ayay isula qaateen in ay falastiin dawlad ka sameystaan 1897- kii .


50 sano gudahood ayay ku talo galeen in ay dawlad kaga sameystaan .

1947-kii ayay dawlad ka sameysteen falastiin.


1897-kii wefti ayay u direen dalka falastiin

Waxay la soo noqdeen Weftigii

( aroosadu way qurux badan tahay, laakiin nin kale ayaa qaba)

Ujeedada waxa weeye : dawlad iyo shacabka FALASTIINTA ayaa degen .


Heshiis kii Bilfor 1916-kii ahaa ee Dunida lagu qeybsaday ( Europe).

Ayaa loo saxeexay yuhuuda in falastiin la siiyo .

Markii ay Yuhuudu timiee ay ku soo qaxeen dalka falastiin

Falastiin-tu way soo dhaweeyeen.


Dhulna waa la siiyay ay degenaan dhulna waa laga iibiyay.


Kadib urur jabhad ah ayay sameysteen oo hubaysan oo u dagaalama in ay xoreystaan falastiin oo xasuuq u gaystay dadkii falastiinta ahaa oo dalkooodii ka qaxiyay oo dulmi iyo cadaalad darro ku sameeyay .

Wixii dadka yuhuuda ah


Ay ka cabanayeen in lagu sameeyay

Ayay iyagii sameeyeen

Ilaa maantana ay wadaan .


Ilaa iyo maantana cunsuriyad iyo midab kala sooc ka wada israa'iil.

Beesha caalamka way ku daawanayaan dulmigaa dhacaaya maalin kasta.

Wixii ay ka yeeli lahaayeen 7 milyan oo falastiin ah

Weli ismay waydiin .


Dawlad madax banaana uma ogola in ay sameystaan.

In ay isku dawlad noqdaan -na ma ogola.

Dadka falastiin-ta ahina

Dad isdhiibaaya maaha ,

dad la adoonsan karona maaha .


Sidanu ma sii socon karto dulmigan iyo cadaalad daradan iyo cunsuriyadan .

Caalamkuna sidan uma sii daawan karaayo.


Xal iyo go,aan in la helo ayay arintanu (qadyadanu) u baahan tahay.

Masjid Al aqsaa magaalada qudus ayuu ku yaala .

Qibladii islaamka ugu horeysay .


Waa qadyad Carbeed. Waana qadyad islaamiya.

Hadaba maxaa xal ah?


 

 

Cali maxamed Biixi [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...