Socdaalkaygii Bristol (Uk) Illaa Neepawa(Canada).

0
Saturday December 24, 2022 - 10:07:14 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Socdaalkaygii Bristol (Uk) Illaa Neepawa(Canada).

    Margaret Laurence waxa ay u bixisya buuggeeddii ugu horreeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Margaret Laurence waxa ay u bixisya buuggeeddii ugu horreeyay


Margaret Laurence, waxay ahayd qoraa reer Canada ah oo aan odhan karo waa mid ka mid ah kuwaugu horreeya Qoraayadda soo Canada, haddiiba aanay ahayn qofka ugu horaysa inta la’og yahay taariikhdda Canada.



Margaret Laurence, iyadoo oo la socota saygeeddii Jack Laurence, oo u dhashay Great Brtian, oo ay Maxmiyad u ahayd SomalilAnda ayay yimaadeen Somaliland hillaaddii 1950, mudo haatan laga joogo 72 sanno kadib markii Saygeeddaa Jack Laurence, helay Qandaraas ay bixisay Dawladdii Great Britain taasi oo

loogu qodayo afartan Balli, dadka reer Somaliland Kuwaasi oo loogu talo galay marka ay biyuhu galaan xilligga gu'ga inay ka cabaan dadkan oo reer guuraa u badan iyo duunyadoodduba. Arintani waxay fursad u noqotay Margaret Laurence, oo qoraalkeeddii ugu horaysay Somaliland ku soo bandhigtay taasi oo


buuggeeddii koowaad ku qortay Somaliland, kadib markii ay aragtay hibbadda uu Ilaahay u siiyay dadkan reer Somaliland, oo lagu timaamayba inay yihiin Ummaddii Gabayadda, suugaantoodduna ay tahay mid leh macno fog oo aanay nasiib u lahayn Dadyow fara badan oo Eebbe ku uumay dunidda aynu ku noolahay inay yeeshaan.


Margaret Laurence waxa ay u bixisya buuggeeddii ugu horreeyay ee ay ka qortay dadka reer Somaliland "A Tree for poverty" taasi oo ay ka soo diirtay tuduc ka mid ahaa gabaygii Abokor Cawad Bayle, oo ay isku gabyeen Gabyaaggii kale ee reer Hargaysa ee Laf Cambe.


 Labadan gabayaana ay dhex mareen gabayo badan oo ay isku dhaafsadeen fikraddo kala duwan oo ay kala aaminsanaayeen kuwaasi oo ka soo wada jeedday Gobolka Togdheer,hase ahaatee uu Laf Canbe la xidid ahaa reer Hargaysa, uuna mar kasta ku difiaaci jiray gabayadiisa Amaanta Galbeedka halka Abokor Cawad Beelena uu Amaan dusha ka huwan jiray Barri.

Buuggaa "A Tree for poverty” waxa uu noqday Furrihii ugu horeeyay ee ay Margaret Laurence ku muujiso hibbadeedda qoraanimo,waxaana uga danbeeyay 10 naan iyo 10 naan buug oo kale oo iskugu jira sheekooyin gaagaban iyo kuwo qisooyin ah oo ay ku qortay Canada, England iyo meelo kaleba aakhirkiina mar kale xusuus qorkeeddii Somaliland waxa ay ka aliftay buug kale oo ay ugu magac dartay "A Prophet's Camel Bell” kaasi oo ay 1967 qortay daabacdayna ahna buugga aan anigu ugu jecelahay buuggaagteedda.


Aniga iyo Maxamed Osman Robleh iyo Maxamed Mataan ayaa subax Arbaca ah, bisha August 31keeda2022, ka jarmaadnay Caasimadda Winnipeg ee Gobolka Manitoba, dalka Kanada kaasi oo aan dhawr cishana ku sii hakaday Magaaladda Toronto, imaatinkaygii Canada. 


Waa tii hore loo yidhi Balaysin Cawaysnimo Kalahaad Arooryo ayuu leeyahaye, waxaanu aniga iyo laba Maxamed ku balanay inaanu 7 Subaxnimo ka jarmaadno Winnipeg oo aanu beegsano Neepawa oo ah Tuuladdii yarayd ee ay ku dhalatay Margaret Laurence 1927kii. Halkaasi oo ay dageen Awoowyaasheed oo ka soo kala jeeday Scotland iyo Ireland taasi oo Aabbaheedna ku dhashay isla tuuladda Neepawa.


Waxaanu gaadhnay 9:40 Aroornimo Neepawa anagoo ku tashanay bacdamaa aanay gaadhin xilliggii balanta aanu ku lahayn Guriggii Margaret Laurence ku dhalatay kaasi oo hadda loo badalay Madxaf ay ku urursan yihiin taariikhdda gabadhan noqotay qoraagga caanka ah si loo daawaddo looguna xusuusto Margaret Laurence iyo qofkii ay ahayd.


Waxaanu ka cabnay bun iyo Shaah meel aan aad uga durugsanayn Guriggii Margaret Laurence, waxaanuna ku qaadanay mudo gaaban oo ah inta balantu gaadhayso.


ka dib cabitaankayaggii waxaanu soo beegsanay halkii ay balantu ahayd iyo gurriggii Margaret Laurence. Goobtaasi waxa nagu sugayeen Mr Blair oo Madax u ah Gudidda maamusha Hoygaa Madxafka u noqday Margaret Laurence iyo Brenda Ferguson, oo ah mid ka mida shaqaalaha Madxafka.una qaabilsan Xoghayn.


Bariido gaaban ka dibna waxaanu hore u galay oo aanu qol qol uga boganay guriggii Madxafka looga dhigay Margare Laurence, kaasi oo aanu ku aragnay waxayaabo badan oo xiiso leh oo aanan hore uga ogayn Margaret Laurence. 

Sawiro Xusuus ah ayaanu galnay waxaana sharaxaad nalaga siiyay wax kasta oo aanu u baahanay waanan u bognay Margaret Laurence iyo Hoygeeddii isku badalay Madxafka.


Waxaanu halkaa Blair iyo Brenda Ferguson ku gudoonsiinay agab Hiddo iyo Dhaqanka ay u leeyihiin dadka reer Somaliland ee ay Margaret Laurence dalkoodda hooyo usoo dhuyaashay mudo hadda laga joogo 72 sano, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Hangool,Gorof,Fandhaal,Kebed,Kabo Jaangadri ah iyo Maacuun kale oo


 ah kuwii ay Awoowyaashayo adeegsan jireen kolkii ay noloshoodda oo dhami ku tiirsanyd Miyi wax yarna ay magaalo kaga lahayd saamaynta noloshoodda taas oo ay ku faani jireen in badiba wax kasta oo ay isticmaalaan inay ahaayeen wax ay ka soo diireen Geed ama Xoolahoodda sioda Saanta Xoolaha iyo wixii la mida.


Haddaba waxaa is waydiin leh maxaa Margaret Laurence, inoo keenay 72 sanno ka hor? Maxaase iskaga xidhnaa socdaalkaygan 72 sanno ka dib aan ugu hayaamay guriggii ay ku dhalatay? waa dulucdda Maqaalka 72 sano oo ay Margaret Laurence iyo saygeeddii Jack Laurence u soo hayaameen Somaliland oo xilliggaa ku jirtay gacantii Dawladdii Great Britain,


iyo aniga oo u hayaamay halkii ay ka soo hayaameen 72 sano ka hor taasi oo noqon doonta sawirka dhabta ah ee Maqaalka iyo sawirka dhabta ah hayaankaa dheer ee Margaret Laurence iyo Saygeedda Jack Laurence, ay ugu kicitimeen Afrika oo aanay waligood hore u tagin, hiyigana ku hayn inay tagaan ama tagi doonaan taasi oo ay xataa ku gaadheen Socdaal dhanka Badda ah oo ay aakhirkii ku soo gaadheen magaalo xeebeedka gacanka Cadmeed ee Berbera, ay Margaret Laurence, ugu Magac dartay Socdaalkii Badda ee bilaa Danbigga ahaa.


Socdaalkii ay halkaa ku soo gaadhay Margaret Laurence iyo Saygeeddii Jack Laurence, waxa uu ahaa socdaal dheer oo qaatay Canada ilaa England, ka dibna ay Qaahira ku soo gaadheen Duulimaad halkaa ka dibna ma jirin Duulimaad toos ah oo Qaahira, ilaa Hargaysa ah ama magaalo kale oo Somaliland ah sidaa daraadeed waxa qasab ku noqotay inay raacaan Markab Qaahira ilaa Berbera waxaanay u bixisay Margaret Laurence, socdaalkaa "Socdaalkii bilaa danbigga ahaa" waxaanay sidaa ku tidhi Cutub ka mida buuggeedda Prophet's Camel Bell.


Haddaba waxa ay is waydiintu tahay maxaa Margaret Laurence,iyo Saygeedda geeyay isna baray Somaliland iyo iyaga taas baa ah su'aal mihiima iyo in loo helo jawaab saxa oo ku filan.


Dadka reer Somaliland oo reer guuraa ahi waxa ay qarniyo ku noolaayeen biyo la'aan iyo biyo yaraan taasi oo ah Masiibadda ugu wayn ee haleeshay dadkaas. Gaadiid ayuun baa dadkeena biyaha u dhaamiyo ilaa inta taariikhda la xusuusan yahay, ha noqdo Awr,Dameero amase Gawaadhi.


 Haddaba dadkaa reer Somaliland maanta oo laga joogo 72 sano maalintaa Margaret iyo Jack u tageen ilaa maanta waxa ay ku jiraan uun biyo la’aan iyo biyo dhaamin waxaana looga dhaamiyaa Dooxyo ama Ceelal haddaba ma ciqaab Ilaahiyan ah oo ina haleeshay baa? Mise waa arrin uu wax ka qaban karo dadka dalkaa u dhashay khaasatan kuwa Madaxdda u ah?


 jawaabta su'aashaa oo gaabani waa in wax laga qaban karo. mudo gaaban oo ku sinayd badhtamihii 70-yaddii ayaa Xukuumaddii Siyaad barre oo kaashanaysa Dawaladda Shiinaha suurta galisay in ku dhawaad guri kasta oo Hargaysa,caasimadda Somaliland, oo xilliggaa ka tirsanayd Somaliya oo ay Midow la ahayd


Hargaysina ahayd Caasimadda labaad ee dalkaa la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya ku yaalaa biyo helo taasi oo loo bixiyay Cahdiggii Biyo Shiinaha.dadkuna mahadaiyay ahaydna markii ugu horraysay ee dad reer Somaliland ah oo tiro intaa leeg ah oo ku wada nool goob iyaga oo boqolaal kun inay helaan biyo ku filan.

Haddaba maxaa loo waayay wixii intaa ka danbeeyay cid u soo saarta biyo ku filan? Taas oo miyi iyo magaalooyinba reer Somaliland biyo ku filan oo ay ka haqab beelaan dadkaa iyo duunyadoodduba.


 Jawaabta ayay Margaret Laurence ka dhigtay kuna sheegtay Buuggeedda "Prophet's Camel Bell” in sababta ugu wayn ee ay dadkaa reer Somaliland iyo duunyadooduba u ooman yihiin inay tahay dhulkoodda oo ah mid ma dhalays ah.

Hase ahaatee waxa aanay ogayn Margaret Laurence in dadkii ay ka tageen 72 sano ka hor in ay wali iyaga iyo Duunyadooddiiba ay wali haraad u bakhtiyayaan. Xataa kuwii ku noolaa caasimaddii Hargeysa ee ay ku ogaayeen iyadoo tiradda dadkeeddu tahay 50,000 inay maanta yihiin 1.5 million, biyo ku filana aanay haysan.


Jawaabtu se maaha siddii ay Margater Laurence u malaysay in dhulka dadka reer Somaliland yahay mid Madhalays ah ee caqligga kuwa u taliya ayaa ah madhalays, sababtaasina ay tahay jawaabta saxda ah ee dadka reer Somaliland u ooman yihiin 72 sano kadib socdaalkooddii bilaa Danbigga ahaa ee ay Somaliland ku yimaadeen. 


Margaret Laurence iyo Saygeedda Jack Laurence,waxaana la odhan karaa inay xilligga ay yimaadeen Jack iyo Margaret oo ahayd 1950,ay maanta dhaantay oo gumayste og inay biyo la'yihiin uu xukumayay laakiin maanta oo ay xor yihiin inaanay kuwa xukumaa aanay ogayn inay dadku Ooman yihiin casrigga Adduunkuna


marayo 2022,taas sababteedduna waa caqligga engagan ee kuwa u taliya dadkaas oo iskugu yeedha inay yihiin Siyasasiyiin Rug Caddaa ah,laakiin runtu tahay inay yihiin kuwa been abuur ah oo Macmal ah haddii aanay sidaa ahayna dadka reer Somaliland guud ahaan Miyi iyo Magaalo ma ay biyo la’aanaadeen Socdaalkii 72,sano ka dib Socdaalkii Margaret Laurence iyo Jack Laurence.


Qore: Cabdi Muhumed


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...