Ma Doorasho Ururro Mise Mid Madaxtooyo?

0
Saturday December 24, 2022 - 10:04:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ma Doorasho Ururro Mise Mid Madaxtooyo?

    Guddiga Doorashooyinka Waxa Horyaal Laba Daran mid dooro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashooyinka Waxa Horyaal Laba Daran mid dooro.



= Ka dib 28 Jeenawari markay ay dhammaato diiwaangelinta codbixiyeyaashu, waxa lagu wadaa inay guddiga doorashooyinka shaaciyaan doorashadda ururrada ama ta madaxtooyada ta la geliyo. 


Haddii ay ku dhawaaqaan in la geliyo ta ururrada, waxa cadho iyo cabaad weyni ka dhammaan doonaa labada xisbi mucaarad. Waayo waxa ay u arkaan halis weyn oo soo foodsaartay. Waxa dhici doonta in xisbiga Waddani ku kala qaybsamo inay galaan iyo in kale. halka Ucid ay gebi ahaanba diidi doonto.



= Haddii ay yidhaahaan waxa soo horraynaysa ta madaxtooyada, waxa dhici doonta inay xukuumadu gebi ahaanba meesha ka saartay, oo sidii kuwii hore qaarkoodna lagu qanciyo inay is-casilaan, halka kuwa kalena dantu ku kaliftay inay is-casilaadooda soo gudbiyaan marka meesha lagu cidleeyo. 


Waxa se dhici karta inay raacaan halkay dantoodu ku jirto oo ah inay ta ururrada ku dhawaaqaan, waayo qaylida mucaaradku waxba yeeli mayso, laakiin kala dirista ayaa halista ugu weyn ku ah.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.


Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...