Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Soo Bandhigay Qodobada Somaliland Ugu Jira Xeer Uu Saxeexay Madaxweynaha Maraykanku

0
Saturday December 24, 2022 - 09:49:00 in News by Abdi Good
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Soo Bandhigay Qodobada Somaliland Ugu Jira Xeer Uu Saxeexay Madaxweynaha Maraykanku

    Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Soo Bandhigay Qodobada Somaliland Ugu Jira Xeer Uu Saxeexay Madaxweynaha Maraykanku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Soo Bandhigay Qodobada Somaliland Ugu Jira Xeer Uu Saxeexay Madaxweynaha Maraykanku
Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay qodobada somaliland ugu jira xeer uu madaxweynaha maraykanku saxeexay oo la xidhiidha siyaasada difaaca ee dalkaasi.

xildhibaan Raamboo ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi sidan :-
"Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii wuxuu saxeexay oo dhaqangeliyey sharciga lagu maamulayo miisaaniyadda Maraykanka, sharcigaas oo ah kan gundhigga u noqonaya siyaasadda lagu hagayo, nidaamka difaaca ee Maraykanka iyo danaha amniga qaranka ee Maraykanku ka leeyahay dalalka caalamka. 


Miisaaniyadda lagu maamulayo sharciga difaaca ee Maraykanka ama loo yaqaano NDAA ayaa noqonaysa illaa $858 bilyan oo dollar.

Haddaba qodobada muhiimka ah ee sannadkan ku cusub miisaaniyadda difaaca ee Maraykanka ayay ku jiraan, qodob si weyn uga hadlaya, in Maraykanku uu si dhow ula macaamilo Somaliland, kaas oo hoos imanaya qaybta 1275 ee sharcigan, taas oo loogu magac daray "WARBIXINTA IYO DERSIDDA SUURTAGALNIMADA KU SAABSAN WADASHAQAYNTA DANAHA AMNIGA QARANKA EE LALA WADAAGAYO WADAMADA BARIGA AFRIKA."
Qodobka koowaad ee qaybtan ayaa lagu bilaabay "WARBIXIN KU SAABSAN GARGAARKA DIBADDA IYO HAWLAHA KALE EE SOMALILAND”, Waxaana qodobkan si weyn loogaga hadlay wadashaqayn dhexmarta Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Qodobada muhiimka ah ee ku jira sharcigan ee khuseeya Somaliland ayay ka mid yihiin.

1. Ugu dambayn bisha September 30-keeda, ee sannadka 2023, (intaas wixii ka dambeeyana, sannadwalba, muddo shan sano ah marka sharcigan la dhaqan geliyo), in Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka oo la tashanaya Madaxa hay’adda mucaawinada debedda u qaabilsan Maraykanka ee USAID, inay guddiyada ku habboon ee Congresska u soo gudbiyaan warbixin ka hadlaysa, Kaalmadii ay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka iyo hay’adda USAID, ay 12-kii bilood ee ugu dambeeyey u fidiyeen Somaliland, iyaga oo sheegaya kaalmadaasi inta ay le’eg tahay lacag ahaan, meesha la geliyey, mashaariicda lagu fuliyey, cidda fulisay, iwm.

2. In si faahfaahsan loo sheego, shaqaalaynta iyo masuuliyadaha cidda ka socota wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka iyo hay’adda USAID ee gacanta ka geysanaya taageerada debedeed, xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo hawlaha dhinaca amniga ee lala galay Somaliland, taasoo ay ku jirto in la faahfaahiyo meelaha ay ku shaqaynayaan shaqaalahaasi, iyo cidda ay u warcelinayaan.

3. In congresska si faahfaahsan loogaga soo warbixiyo, safarada lagu tegey Somaliland oo ay ku jiraan, shaqaalaha wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka, iyo hay’adda USAID ee Somaliland tegey, iyada oo la soo sheegayo xilkooda iyo ujeedada safarkaas laga lahaa. Haddii aan loo safrin Somaliland, waxaa sharcigani dhigayaa in congresska loo sheego sababta, kelliftay inaan Somaliland loo safrin.

Qodobo kale oo muhiim u ah Somaliland ayaa iyaguna sharcigan ku jira.
Sharcigan ayaa ku yimid dedaal ay samaysay dawlada Somaliland iyo saaxiibadeeda Maraykanka, kuwaas oo olole xooggan oo ay ka galeen ku guulaystay in sharcigan lagu daro arrimaha khuseeya Somaliland.
Waa guul diblomaasiyadeed.

May be an image of 1 person, sitting and indoor


Loading...
Loading...