Dowladda Itoobiya Iyo TPLF Oo Oggolaaday In Gobolka Tigray Ay Tagaan Kormeereyaal Ka Socda Midowga Afrika
Madaxweynihii hore ee
Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa u safri doona gobolka Tigray ee Itoobiya si uu u
kormeero heshiiskii nabadeed ee bishii hore ay kala saxiixdeen dowladda iyo
Itoobiya iyo TPLF.
Mas’uuliyiinta
federaalka Itoobiya iyo mas’uuliyiinta gobolka Tigray ayaa goor dambe oo
Khamiistii ah ku heshiiyey wadahadallo Nairobi ka dhacay in Midowga Afrika la
siiyo fursad buuxda oo ay gobolka ku kormeeraan, taas oo la xiriirta soo
afjaridda colaadda laba sano jirsatay.
Hoggaanka millatariga
Itoobiya iyo wakiillada jabhadda Tigray People’s Liberation Front ayaa isku
raacay in la dhiso koox kormeerayaal wadajir ah oo kormeera heshiiskii nabadeed
ee la saxiixay bishii November.
Heshiiskan oo lagu kala
saxiixday dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo afjaray dagaal socday muddo labo
sano ah oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo kooxda TPLF oo ay ku dhinteen
boqolaal kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.
Madaxweynihii hore ee
Kenya Uhuru Kenyatta, oo sidoo kale qeyb ka ah kooxda dhexdhexaadinta, ayaa
sheegay Khamiistii in dhinacyada dagaallamaya ay isku raaceen in la sameeyo
guddi la socda heshiiska. nabadeed.
"Dhammaantood
waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in kooxda la socodka iyo hubinta ee Midowga
Afrika ay si buuxda u helaan, aragti buuxda oo dhinac kasta ah, si loo hubiyo
in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay dhab ahaantii la fuliyo," ayuu yiri
Kenyatta.
VOA