Afar Faa'ido Oo Qaruhu Leeyahay, Dad Badanna Aysan Ka War Qabin

0
Saturday December 24, 2022 - 09:25:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Faa'ido Oo Qaruhu Leeyahay, Dad Badanna Aysan Ka War Qabin

    "Biyaha ku jira oo aad u sarreeya awgeed, qaraha waxa ku yar maaddada kalooriga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Biyaha ku jira oo aad u sarreeya awgeed, qaraha waxa ku yar maaddada kalooriga"


 

Nicola Shubrook, khabiir ku takhasusay nafaqada ayaa ka hadlay faa'iidooyinka midhaha iyo khudaarta qaar siiba qaraha ama xabxabka, isaga oo sharraxaya waxaannu ka diyaarinnay warbixintan.

 

 

Muxuu yahay qaraha ama xabxabku?

Qaraha ama xabxabka waa nooc ka mid ah khudaarta midhaha ah oo aad u weyn kaas oo ka soo baxa dhulka. Waxa uu leeyahay qaar adag oo cagaar ah o oleh xarriijimo, gudaha waxa ugu jiro qayb cas oo jilicsan oo dhalaalaysa leh iniin madow, labadaba waa la cuni karaa.

 

Qaraha ayaa laga beeraa waddamo badan, sida Shiinaha, Turkiga, Iran, Brazil, iyo Maraykanka.

1.    Waxa uu socodsiiyaa caloosha

 

Ilaalinta fuuq-baxa jidhkaaga ayaa lagama maarmaan u ah caafimaadka wanaagsan, maadaama xitaa heerka fuuq-baxa ee yar uumuujin karo daal, madax-xanuun, murqo xanuun mararka qaar suurtagalnimo ah cadaadiis ku yimaadda qulqulkii dhiigga.  ee cadaadiska dhiigga.

 

Xabxabka ayaa intiisa badan ka kooban biyo (92%), 20% baahida biyaheenna waxaa lagu helaa cunto, qaraha ayaa wax weyn ka tari kara, gaar ahaan dadka da'da ah ee aan dareensanayn haraadka.

 

2. Waxa uu wanaagsan yahay miisaanka qofka

 

Biyaha ku jira oo aad u sarreeya awgeed, qaraha waxa ku yar maaddada kalooriga, halka uu sidoo kale yahay mid cufan, taas oo macnaheedu waa in xabbad weyn oo qaraha ah ay leedahay kaloori yar.

Cunista cuntooyinka sidan oo kale ah, kuwaas oo labadaba buuxinaya markay dhereg tahay waxay yareeyaan rabitaanka cuntada, taas aan keen in qofku si degdeg ah u naaxo. Arrintaas oo waayahan danbe muhiim ah.

 

3. Waxa uu u fiican caafimaadka maqaarka iyo indhaha

 

Hilibka cas ee dhexda ugu jira qaraha ee casaanka ah ayaa la sheegay in uu qani ku yahay iskudhisyada loo yaqaanno carotenoids, oo ay ku jirto beta-carotene, taas oo aynu u beddelno marka ay jidhkeenna gaadho fiitamiin A. Inta badan waxa loo yaqaan pro-vitamin A, beta-carotene waxa ay ka qayb qaadataa caafimaadka indhaha iyo maqaarka.

 

Qaraha waxaa sidoo kale ku jirtaa maadada Lycopene, jirka ayaa si deg deg ah u nuugaa maadadan.

 

 Waxaa jiraa daraasado ku saabsan lycopene-ka kuwaas muujinayaa in maadadan ay yareyso halista kansarka iyo cudurka macaanka.


Loading...
Loading...