Hashii Caweer Oo Ku Jiifta Somaliland (Abdi-shotaly)!
"Haddii muruqa
bawdadu ku go'o waad makalan-taaye, mareegtaaba loo sii xidhaa. maqasha
nayloode, Miiraalaha hortii baa biyaha la iska moosaaye (IHN Waa Tima-cade), oo
micna-heedu yahay, inta aanay wax kugu dhicin, ka sii feejignaw, Inta aanu kuu soo gelin daadku horteed waa in
aad halkuu kaaga soo gelaayo ka sii xidhaa, haddii kale waxad noqonaysaa
Maah-maah-ddii ahayd "Nin daad qaaday xumbo cuskay" waa xikmad aad u qiimo badan oo loo daliilsan
karo, aumuuro fara-badan oo leh ujeedooyin kala gedisan, waliba loo isticmaalo
mararka yaalaa-ba ay wax si noqdaan, ee uu khalad dhaco, cida markaas
samaysay-na ay isku canaanato, iyaka oo raba in ay dib u saxaan, farsamooyinkii
ay ku galeen waxa ay ka dhaxleen, talaabaddii ay ku dhaqaaqeen ee dhaliyey
khaladka. Marka dhibaataddii soo baxdo, ka abuurantay khaladkii ay galaan,
siddii ay falaw-geed u qaban lahaayeen maarayn-teedda, waxa ka qabasha-dda waxa
ay diidan yihiin, oo ah tallo xumaan, siyaasad khariban, khasaare maal iyo
duunyo ahi marka ay qoobka ku dhuftaan, waxa waajib ah, oo khasab ku ah ciddii
saamaysay, dib uga tabaabul-shaysiga ka taxa-dirka wixii soo gaadhay, oo uu u
tafa-xaytaa in uu ka soo kabto, hadaba aan isku soo xooriyo'e, gun dhiga
cinwaanku waxa uu tilmaamayaa, marka ay kaa murkacato xaajadu, waxa lagama
maarmaan ah, in uu qofku guntiga dhiisha iskaga dhigo, una maleegto siddii uu
ugu soo noqon lahaa caadi, isaga oo maskaxdda ku haya, in ay dhacaan wixii uu
markii hore ka artata-baysan waayey, ee halkaas uu jooga dhigay, soona yareeyey
rajaddii uu lahaa ee ka kala daadiyey.
Waxa la yidhi, nin ku sigay wax kuu
sheegye" Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-Taadiyo Cagtu Yaanay Kula
Marin", Markan hoos u dhaadhaco, ee aan ka dego aaraarta, ee u gudda galo
halka I manakh leh, ee ay cididu igaga mudan tahay, waxa weeye, qof wuu
khaldamaa mar iyo lababa, laakiin maaha in uu weliggii iyo allahii dhex
dabaasho, wixii aabahii dilay, ee waa in uu ogaadaa halka ay "Salaadu ka
xidhmi la'dahay" Markuu wax isku dayo-ba ay bog-cadka iskaga rogaysaa,
waxan wixii uu taabto-ba, qulaan-qulshaha ka gawacaya, ee uu dhuub dun ugu geli
la'yahay? Qofku waa in uu u xisaab-tamaa, si rasmi ahna u dhuuxaa, cidhibta ay
ku danbayn doonto, waxa uu doonaayo in uu qabto ama uu ku kaco, oo uu
cawaaqibka uu ka dhaxli doono ka sii
fiirsadaa, haddii kale waxay tahay in uu ku tallo galo, in fari tog-dheer la
xuli doonto, oo uu mar kale dhabarka ka jabi, sidii hore ugu dhacday. Waxan
rabaa in aan bal idiin soo ban-dhigo, oo aan tusaale ku qoro halkan ah, dhibta
maanta inagu habsatay, ee inaga haysata maamulka askarta ee Somaliland, in ay
ahayd ka fiirsasho la'aan iyo inaka oo isku maqanayn. Ta inala durugtay oo
aynaan ka fekrin, maxaa inoo dan ah? Yaa inoo wacan? qofkee baa ina wadi
kara? Xusbigee aan denbi hore soo gelin?
Yaad isku aamini kartaa? Iyo wax yaabo kale oo muhiim ah, wixii aynu kala
kulana-na waa taas aan ka nuuxsan la'nahay, ee ilaa imika inagu jiifto Hashii
caweer ( ee Cigaal Shidaad),Waa askriga'e, welina aan la hinqan la'nahay, waxa
misana ii sii cad in aynaan uba jeedin, ee aan ku socono wadaddii indhaha
la'ayd iyo is mood-siis aan inoo dan ahayn, waxa wacan markaas, ilayn hore baa
loo yidhi qof nool iyo ummad jiidhku kuugu yaalo, oo tabaalaysan mid-na lagama
indho qarsado'e, in aan maantana idiin soo gudbiyo dareen-kayga, oo i siiyey in
aan guriggii madoobaa, ku sii hungoo-bayno madhnaa mar kale, kana miisayno
maskax la'aan ka xun tii hore, ee aan ku jabnay, oo ay durbaan idiin
garaaca-yaan kuwii aan eednay, cid is
waydiisay-na aanay jirin.
Balaaydu inta aanay boqnaha ku goyn, ee aanay
seeftu mar kale inala tegin, saw maaha in aan iska jirno qaran jab-keena,
batarka beenta ah ee baloolaydda la ina
maqashii-naayo, oo aan mar qudha garano waxa inoo wacan, iyo waajibka inaga
saaran horumar-keena iyo siddii aan isaga qaban lahayn, kuwan hagar-daamo, iyo
kale eri oo in yar la soo hadh, qaar iska ilaali, gobolo la siiyey Majeerteen,
sool oo ana faro ku jirin, wadnaana farta lllagu hayo, wakhti kaste-na la
filaayo in ay u gacan gasho kan badhisaabka ka ah Puntland. xoolo urursi
iyo dhuumasho ay is leeyihiin wax baa qariseen, hadana ay
qoraxdu duhur tahay illaah ku kashifay, been uun la hurgufaayo, is yeel-yeel
aan dhana-ba jirin, oo hoosta ka qalaalan, Sidaas awgeed bal waxay askar-tani
inoo sheegayso, ee ay Meesha ku hayaan waa maxay? Saw ka-kac iyo wax huu-haaya
maaha? Waxay ku mudo dheeraysa-nayaan ka sii xoogsiga ay ummadda ku hayaan,
waalidda sii afar qaadaysa, taas oo dalkii gobol-ba gaar u dirtay, wax wadda
socdaana aanay jirin, ee ay ku malabsa-nayaan, daba-leefyo loo adeegsaday reer
walba sidda ka " kooraysne, Bakhti Dhego-weyn, Geenyo Shaaximan, Kitaab
yare, Saallo Xero keen( Abdalle Abokor) Ali Bacaac (cali mareexaan)" ee
bilaa akhlaaq-dda ah, kuwaas oo dhamaan anshax-xumo daraadeed war-baahinta
beenuun la taagan iyo kala qaybinta ummadda, ilayn waa meel loo balamaye in loo
dhameeyo'e.
Waxan ku soo xidhay,
qabyaaladdii iyo boobkii is bahaysatay ee aad ku taageer-teen, isku xaafad
baanu nahay, ka soo maal hadaba, waa idinkaa adhaxdda seef isku kala badhaye,
ee dhul boobka la idinku xaalu-fiyey, ee meel aad cuskato la'dahaye. Ku quuso
qudhaanjooy, waa taa hadda geeri-go'an ku habstay somalilande.
* N.B Halkii Qorigu Kaa
Muday, Mar Labaad Lug-aa-diyo, Cagtu Yaanay Kula Marin.
Qore:- Abdi-shotaly
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!