"Sidee ayaa loo akhriyaa buug loona helaa nuxurka ku duugan?"

0
Thursday December 22, 2022 - 11:23:13 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sidee ayaa loo akhriyaa buug loona helaa nuxurka ku duugan?"

    Qoraaga reer Hindiya, Prof. Shiv Khera waxa uu buuggiisa "You Can Achieve More" ku leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraaga reer Hindiya, Prof. Shiv Khera waxa uu buuggiisa "You Can Achieve More" ku leeyahay


Afartan qodob ee hoose ayaa uu xusayaa in ay ka caawiyeen akhriskiisa.

"1. Waxaan leeyahay mabaadii'. Cidna ma amaahiyo buugaagtayda. Sababtu waxay noqonaysaa, markasta oo aan buug akhrinayo angallada/dhinacyada ayaan kaga sameeyaa xarriiqhoosaadyo, calaamado iyo sidoo kale qoraallo yaryar (notes).


 Markasta oo uu qof ii soo bandhigo in uu buug I amaahiyo, waan u mahadceliyaa, waxa se aan si naxriis leh uga codsadaa inuu buuggaas I siiyo, ii hadyeeyo ama uu iga iibiyo - waayo, waxaan u sheegaa in aanan u soo celinaynin. Haddii ay saddexdaas qodob macquul noqon waayaan, anna kama aqbalo buuggaas. Buugaagtu waa hantideyda, ma oggoli in la'ila wadaago.

2. Markasta oo aan buug wanaagsan akhrinayo waxa gacanta iigu jira [highlighter]. Xariiqhoosaadyo (underline) iyo qoraallo yaryar (notes) ayaan ku qoraa angallada/dhinacyada. Sabab? Maxaayeelay marka aan damco tixraacyo, ma helayo wakhti aan markale buugga dhammaantii ku akhriyo, markaa keliya waxaan fiirinayaa xarriiqhoosaadyada iyo qoraallada yaryar ee aan dhinacyada buugga ku qortay. Taas ka sakow, 'raadinta meel muhiim ii ahayd' wakhti badan ayay iga qaadanaysaa, haddii aanay xarriiqhoosaadyo ama calaamado kale iigu oollin.

3. Waxyaalaha kale ee aan iyana ka bartay akhrinta buugaagta waa in haddii aanu Chapterka koowaad i soo jiidan ama aan dareemo inaanan wax qiimo ama nuxur ah ka helin chapter kaas 1aad, waan joojiyaa buuggaas akhrintiisa. Buuggu sida caadiga ah wuxu u dhaxeeyaa 10 illaa 15 chapter oo noqon kara 150 illaa 200 oo bog. Chapterka koowaad wuxu noqon karaa toban meeloodow hal meel (10%) kammid ah buugga. Haddii aanan 10% kammid ah buuggii waxba ka guntin/faa'idin, waxaan hubaa in aanan waxa ba ka faa'ideyn inta buugga ka hadheyna. Buuggaasi kama qaalisana wakhtigayga.

4. Intaa waxaa raaca, si aad diiradda iyo xoogga u saarto waxa aad akhrinayso, oo aad naftaada uga dheerayso waxa ku mashquulin kara, demi tilifonkaaga. Mashquulku wuxu kaa didinayaa awooddii aad culuumtaas ku cantuugi lahayd.

Waxay akhriyaan buugaagta nafsad ahaan u caawinaysa (self-help books), buugtaas oo garab ka siinaysa korriinkooda nolol-ahaaneed. Dhammaanteen waynu naqaannaa sida wax loo akhriyo, se inyar baa wax akhrida, intaas yar [ee wax akhridana] inyar oo kammid ah baa taqaanna waxa ay akhrinayaan."
Mr. Khera, sidoo kale waa qoraaga buugaag badan oo ay kammid yihiin:

- Freedom isn't free

- Living with Honour

- You can win
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...